Minxooyin Waxbarasho oo Aad Codsan Karto Bisha August

Shaki kuma jiro in dibadda oo wax lagu soo bartaa ay tahay riyo ku taagan arday kasta oo dhameeya dugsi sare, Bachelor degree, Masters degree ama xitaa Ph.D doonaya, inta badan gidaarka/derbiga ku hor gudboon ayaase ah in riyadaa si loo gaaro loo baahan yahay kharashadaad farabadan.

Waddooyinka ugu sahlan ee waxbarasho dibeed lagu gaaro waxaa ka mid ah inuu qofku helo minxo waxbarasho oo xukuumadeed, mid mu’asaso ama mid ay jaamacadi bixiso oo waqti gaar ah la codsado.

Sidaa darteed, waxaan idiin soo gudbineynaa minxooyin bishan August la iska diiwaangelin karo oo nasiibkaagu haddii uu kuu saaxo aad heli karto:

1- Adelaide Scholarships International (ASI)

Halka laga heli Karo: Australia

Waqtiga kama dambeysta ah ee araajida la qabanayo: August 31.

Minxadan waxaa bixisa jaamacadda Adelaide ee gudaha dalka Australia, waxeyna ugu talagashay ardayda darajada sare iyo kuwa daneeya cilmi-baarisyada kala duwan; arrintaasina waa si loo taageero loona horumariyo cilmi-baarista akadimiyadeed ee jaamacadda.

Minxadan ardayga hela dhammaan kharashaadka waxaa bixineysa jaamacadda iyadoo daryeel caafimaadna uu sii dheer yahay.

Shuruudda ardayga ku xiran:

Waxaa ku xiran ardayda inuu Bachelor degree haysto oo sanadkii hore uu qalinjabiyay, waa inuu haysto wax caddeyna ah inuu xariif ku yahay luqadda English-ka, iyo inaanuu ahayn muwaadiniinta Australia iyo New Zealand.

 Halkan guji si aad minxada iskaga diiwaangeliso.

2- Welcome Master’s Fellowships in Public Health and Tropical Medicine

Goobta waxbarashad: Waddan kasta

Waqtiga kama dambeysta ah ee la codsan karo: August 31.

Waa minxo dhammeystiran oo ardaygii hela waxwalba laga ka faaloqaadayo.

Shuruuradaha ardayga ku xiran:

-Inuu ka soo jeedo dal dakhligoodu uu yar yahay ama uu dhexdhexaad yahay.
-Waa inuu ardagu soo gudbiyo fikrad cilmi-baariseed oo dhanka caafimaadka ah.
-Waa inuu Bacholar haysto takhasuska uu doonayo inuu cilmi-baariska ka sameeyo.
-Inuu ku jiro waayihiisi ugu horreeyay ee cilmi-baarista.

Halkan guji si aad minxadan u dalbato ama faahfaahin dheeri ah uga hesho

3- UC international First Year Undergraduate Scholarships

Halka wax lagu baranayo: New Zealand

Arji qabashada xilliga uu ku eeg yahay : August 15

Jaamacadda Canterbury ayaa minxadan bixineysa, waxaana loogu talogalay ardayda darajada sare haysata iyo kuwa kaalmaha hore gala ee doonaya iney ku biiraan barnaamijka Bachelor-ka BSC, minxadan ayaa ku kooban sanadka koowaad oo qura, tirada kuraasta ka banaan waa 25 minxo, qiimaheedu waxa uu u dhaxeeyaa 10-kun, 15 kun oo dolar illaa 20-kun oo dolar.

Shuruudda ardayga ku xiran:

Ardaygu waa inaanuu daganeyn Austaralia iyo Newzealand, waa in waxbarashadiisii dugsiga sare dhameeyay illaa Janaayo 5, sanadka ka horreeya bilowgiisa jaamacadda.

Halkan guji si aad minxadan u dalbato ama faahfaahin dheeri ah uga hesho

4- Australian Government Research Training Program (AGRTP), International Scholarships at University of Flinders.

Goobta waxbarashada: Austiralia

Waqtiga araaji qabashada ugu dambeysa: August 31

Waa barnaamij tababar iyo cilmi-baaris iskugu jira oo xukuumadda Australia ay ugu talagashay ardayda caalamka ee ku nool wadama kala duwan ee dunida, waana minxo Masters degree iyo Ph.D iskugu jirta oo lagu qaadanayo jaamacadda Flinders.

kuraasta minxadan ka bannaan waa 18 minxo, waa mixo dhammeystran oo ardayga waxwalba laga dabarayo.

Shurudda ku xiran

Minxadan ardayga waxaa laga rabaa inuu Bacholar haysto, waa inaanuu haystay jinsiyadda Australia iyo Newzealand, waa inuu buuxiyo shuruudaha inuu ku fiican yahay luqadda English-ka, waa inaanuu haysan darajo jaamacadeed oo ka sarreysa midda uu dalbanayo.

Si aad u booqato website-ka asalka ah ee minxadan guji halkan

Maandeeq FM