Sababta Ay Maraakiibtu Ugu Halligmaan “Saddex Xagalka Bermuda” oo La Daahrogay (Cilmi-baaris Cusub)

Khubarada Sayniska ayaa cilmi-baaristoodii ugu danbeysay ku daahrogay sirta ay maraakiibtu ugu halliganto “Saddex xagalka Shaydaan” ee loo yaqaanno saddex xagalka Bermuda, waxey soo gudbiyeen Theory, kadib markii ay tijaabo howleeda arrintaa fasireysa ka sameeyeen.

Khubaradan ayaa aaminsan in sababta maraakiibta loogu waayo saddex xagalkan uu yahay mowjado hirar ah oo “burburin badan” ay ka sameysam saddex xagalka “Bermuda”, hirarkaas oo gaara 100 feet, sanadii 1997 ayaa la ogaaday sida khubaradani ay sheegayaan in hirarkan wax burburiyaa ay meel eber ah ka sameysi karaan, kuwaas oo maashayn kara maraakiibkiibta ugu waaweyn ee hadda dunida laga isticmaalo.

Si ay u hubiyaan saxnaanshiyaha aragtidooda ayaa  waxey sameeyeen markab u eeg “USS Cyclops” oo ahaa markab weyn oo lagu waayay saddex xagalka Bermuda sanadkii 1918 iyadoo ay saarnaayeen 300 qof.

Tijaabadaa ay sameeyayeen waxey ku soo bandhigay sida ay hirarkaasi u burburiyaan maraakiibta uguna maasheeyaan badda, waa sida lagu qoray website-ka “Sailingscuttlebutt“.

Dr. Simon, ayaa tilmaamay in “Badda Atlantic Ocean ay inta badan ku kulmaan saddex duufaan oo waaweyn oo dhinacyo kala duwan ka yimaada, kuwaas oo duruuf wanaagsan u buura oo ay ku sameysmi karaan mowjadaha hirarka ah ee wax burburiya ee awooda iney maasheeyaan maraakiibta ugu waaweyn adduunka.”

Maandeeq FM