TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Wax Ka Baro “Ronald Wayne” … Waxa uu Ka Mid Ahaa 3-dii Nin ee Aasaasay Shikadda “Apple” Khasaaro Ka Carar Ayuuse Uga Baxay

Shirkadda Apple ayaa noqotay shirkaddii ugu horreeyasay ee qiimaheeda suuqa uu gaaro “Trillion” dolar. Dunida waxaa dib loo xasuustay bilowgii hore ee shirakadda teknoolojiyadeed ee caanka ah, dadka oo dhan waxey yaqaanaan Steve Jobs iyo Steve Wozniak, laakiin waxaaney dad badani garaneyn inuu jiray nin saddexaad oo kaalin maamul oo muhiim ah ku lahaa bilowgii hore ee shirkadda waa “Ronald Wayne“, oo go’aansaday inuu shirkadda xilli hore iskaga baxo, intaa kaliya kuma aanuu ekaan ee nasiibdarrada ku dhacday waxey ahayd markii uu iska wada iibiyay saamigiisii uu shirkadda ku lahaa oo lacag raqiisa ah uu ku xaraashay.

Ronald iyo Steve Jobs waxey isku barteen shirkadda “Atari”, markii uu arkay qorshaha Jobs iyo Wozniak waxa uu ku darsaday share dhan 10% aasaaskii shirkadda, saddexdooduna waxey wada saxiixdeen heshiiskoodii ugu horreeyay sanadkii 1976, isagaana iska lahaa firkadda lagu sameeyay logo-dii ugu horreeyaysay ee shirkadda loo sameeyo.

Sida uu qoray joornaalka “Times” ee dalka Mareykanka ka soo baxa “Wayne” bilowgii hore ee shirkadda oo dhibaatooyin la kowsatay ayuu dareemay inaanuu sii socon karin khatartuna ay badan tahay, fikaradda computer kuna ma’aaney cajab gelin, si aanuu khatar badan u sii gelin waxa uu go’aansaday inuu shirkadda iskaga baxo, share-kii uu ku lahaa waxa uu ku iibiyay 800 oo dolar!, gadaalna waxaa laga siiyay 1500 oo dolar, share-kii waagaa maanta qiimihiisu waxa uu marayaa 67 billion oo dolar!.

Sababta ku dhalisay go’aankii uu shirkadda kaga baxay waxey ahayd inaanuu wax xiiso ah u hayn computer-ka smarts-ka ah, waxa uu horey u sheegay inaanuu isticmaalin wax-soo-saarka Apple illaa iyo hadda, waxa uu isticmaalaa mobile yar oo qiimihiisu yahay 10-dolar oo qura.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close