Cilmi ahaan: Haddii Tani Ay Tahay Mudada Aad Isbuucii Ka Shaqeyso… Waxey u Badan Tahay Inaad Qaaddo Sonkorow

Daraasad cusub oo Kanada laga sameeyay lana waday muddo 12 sano oo xiriir ah ayaa lagu ogaaday in dumarka shaqeeya 45 saacadood wax ka badan isbuucii, waa 9 saacadood maalintii, ay aad ugu nugulyihiin cudurka sonkorowga marka loo eego dumarka saacadahooda shaqadu uu intaa ka yar yahay.

Daraasaddan oo socotay 12 sano ayaa dadka ka qeybgalay ay gaareen 7,065 (todobo kun iyo 65) qof oo aaney da’doodu ka yareyn 35-sano, qof ka mid ahna aanuu qabin cudurka sonkorowga.

Natiijadiid daarasadddan waxey noqotay in 8% dumarkii ka qeybgalay uu ku dhacay cudurka macaanka(sonkorowga), 12% ragana uu cudurka ku dhacay, laakiin saacadaha shaqada saameyn kuma aaney lahayn ragga shaqeeya in k badan 45-saacadood, halka dumarka shaqeeya saacado ka badan 45 saacadood isbuucii fursadaha uu cudurku ugu dhici karaa ay gaartay 63%, marka loo barbardhigo kuwa shaqeeya 35 illaa 45 saacadood isbuucii.

Cilmi-baarayaashan oo ka tirsanaa xarunta cilmi-baarista sonkorowga ee Kanada, waxey hoosta ka xarriiqeen in saacado badan la shaqeeyo oo lagu daray culeyskii guriga uu dumarka ka dhigo kuwo welwel badan, caabuuqyo kala duwan ay la xiriiraan  iyo isbedello hormooneed kuwaas oo keenaya dhankooda inuu sonkorow ku dhaco.

Daniel oo ka tirsan jaamacadda caafimaad ee  South Carolina, ayaa tilmaamay iney habboon tahay in laga fakaro saacadaha shaqada lasoo koobo iyo in lagu dadaalo in nasiinooyin kala duwan la qaato, sports-kana la ciyaaro, firfircooni badan oo ka baxsan shaqadana la sameeyo.

Maandeeq FM