WararkaWaxbarashada

Waa Kuma “C/llaahi Goodax Barre” oo Maanta Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashada XFS

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay dhowr wasiir oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wareegtada Ra’iisul-wasaaraha u akhriyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in C/llaahi Goodax Barre, loo magacaabay wasiirka waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waa Kuma C/llaahi Goodax Barre?

C/llaahi Goodax Barre, waxa uu ku dhashay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxa uu ka soo baxay kulliyadda Beeraha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed aqoonta Master-ka waxa uu ku diyaariyay jaamacad Mareykana ah oo uu ku takhasusay dhaqaalaha beeraha iyo suuq geynta dalagyada beeraha.

Goodax, waxa uu shahaado sare ka qaaty jaamacadda Ottawa ee dalka Canada oo uu ku takhasusay horumarinta dunida saddexaad iyo diblumaasiyadda, waxa uu ka shaqeeyay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxa uu maamulay beertii ugu weynayd ee Jubbada Hoose ee magaalda Jamaame ee lagu beeri jiray Mooska, waxaana ka shaqeyn jiray 1000 oo shaqaale ah, waxa uu soo noqday agaasimhii waaxda qorsheynta ee wasaaradda beeraha, waxa uu u shaqeeyay hay’adda UNDP oo uu uga shaqeeyay dalka Liberia, South Africa. Waxa uu soo noqdya wasiirka Qorsheynta ee xukuumaddii Badbaado, waxaa kaloo uu wasiirka arrimaha gudaha ka noqday xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed ee December 12, 2013-kii.

C/llaahi Goodax Barre waxaa mar kale Xildhibaan loo doortay baarlamaanka 10aad, hadda waxaa uu madax ka ahaa Guddiga Kheyraadka Dabiiciga inta aan loo magacaabay wasiirka waxbarashada ee xukuumadda federaalka Somaliya.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close