WacyigelinWararkaWaxbarashada

10 Weedhood oo La Fududeysto oo Saaxiibtinimada Dhaawacda… Bedelkooda Kuwan Isticmaal

Mac’hadka Metro Brazil ee dalka Brazil ee ku takhasusay arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo bani’aadamnimada ayaa qoraal dheer oo uu saaxiibtinimada kaga hadlayay ku sheegay in ay sahlan tahay in saaxiibtino la sameeyo, laakiin ay adag tahay in la ilaaliyo oo muddo dheer ay sii socoto, maxaa yeelay; ra’yi ururrinno kala duwan oo la sameeyay ayaa muujinaya in saaxiibtinimada xumaata ay adag tahay iney mar kale sideedii hore ku soo laabato. waxa ugu muhiimsan ayaa ah kalsoonida, daacadnimada, dhagar la’aanta iyo ixtiraamka.

Kalsoonida, daacadnimada, inaan la is khiyaamin waa arrimo aasaasi ah oo lagu ilaaliyo saaxiibtinimada, laguma muransana qodobadan. laakiin qormadeenna waxaan uga hadleynaa arrimo caadi ah oo ay tahay inaan ka digtoonaanno si aanan saaxiibkeen dareenkiisa u dhibaatayn.

10 weedhood oo aad iska ilaalineyso inaad ku tiraahdo saaxiibkaa, si aadan kalsoonidiisa u lumin

1- Dhibaato xoog leh ayaa ku soo gaartay, laakiin kama aanan danqan!, xitaa kaftan

Sida saxda ah waa inaad tiraahdo: markasta oo aad wax iiga baahato diyaar ayaan ahay.

2- Waa khalad inaad ku tiraahdo saaxiibkaa: Si layaab leh ayaad u dhaqmeysaa. weedha saxda ah: Dadka kale waad ka duwan tahay, maxaa yeelay shakhsiyad gaar ah ayaad leedahay oo aad dadka kale kaga duwan tahay.

3- Waa khalad inaad tiraahdo: Waad i illowday xitaa ilama soo hadashid.

Sida saxda ah: Muddo kuma aanan arkin, waan kuu xiisay.

4- Ha ku dhihin: Mar kasta waxaad ka hadashaa shaqo, laakiin iskuma daydid inaad xaaladdaada hagaajiso.

Erayga saxda ah: Waxaan ku kalsoonahay inaad guuleysanayso, maxaa yeelay; waxqbadkaagu aad ayuu u wanaagsan yahay.

5- Ha dhihin: Naf is geli oo murugada iska yaree oo yaaney kaa tan badin.

Sida saxda ah: Waan kula murugoonayaa, markaad ii baahatana garabkaaga ayaan taaganahay.

6- Ma rumeysni in miisaankaagu uu is dhimayo oo aad caatoobayso.

Sida saxda ah: Mar kasta quruxdaadu isma dhimeyso, haddii aad dooneyso inaad miisaanka iska dhinto, waan ku garab taaganahay.

7- Waxaad tahay hooyo dulqaad badan, sideed ku haysaa caruurtan qalqaaliga ah ee dhibka badan.

Sida saxda ah: Caruurta waan kuu sii hayn karaa haddii aad doonto, haddii kalena weynu israaci(dumarka ayay ku gaar tahay).

8- Waxaa ku haya Depression(murugo) ee ka digtoonow.

Sida saxda ah: Waxaan dareemi karaa sida ay xaaladdu u culus tahay, ina mari maanta aan soo wada baashaalno.

9- Mar kasta maxaad sidan iigula warrantaa, luqadaada hadalka ma hagaajin kartid?

Sida saxda ah: Wixii aad tiri waan maqlay, laakiin maanta waan yara caajisanahay.

10- Inaan ku arko waan jeclaa, laakiin hadda waan yara mashquulsanahay.

Weedha saxda ah: Waan ka xumahay ma wada kulmi karno, arrin degdeg ah ayaan gacanta ku hayaa oo shaqadeyda saameyn ku leh.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close