Kaftankii Guddoomyaha Jaamacadda Iyo Madaxweyne “Biixi” oo Bilay Xafladdii Qalainjabinta Dufcaddii 17 ee Jaamcadda Camuud

Shalay waxaa magaalada Boorama ka dhacday xaflad aad u ballaaran oo ay ku qalin-jabiyeen arday ku dhow 1000 arday oo dhammeystay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Camuud.

Guddoomiyaha Jaamacadda Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, oo khudbad dheer ka jeediyay xafladda ayaa ka sheekeeyay taariikh 50 sano ka hor ahayd xilli madaxweyne Muuse Biixi uu ahaa arday ka tirsan Camuud:

“Mudane madaxweyne, waxaan idinku soo dhaweynaynaa qalinjabitii 17aad ee Jaamacadda Camuud, weliba adiga si gaar ah; 50-sano ka hor bishan maanta la joogo ayaa anigoo Mareykanka ka yimid oo da’yar ayaa (Muuse) oo iga yar aan halkan ugu yimidday, waxaa glass-koodii jooga isna guddoomiyaha Bankiga Cali Ibraahim, raggi ku jiray wasiirka ganacsiga oo ka soo bedeshay Saajin, colka nabadgalyadana Cismaana waan arkayay, markaa ardaydii berigaa joogtay 50-sano ka hor halkan ayay maanta joogaan.”

Professor-ku Waxa uu dib u milicsaday waayihii wanaagsanaa ee berigaa xasuusta mudnaa, waxaana uu yiri:

“Haddii maalmahaa wanaagsana aan eegno wax weeye Muuse oo Arday ah Camuud oo Secondary School ah, anigoo macallinkiisii ah maamulihiisiina ahaa, ayaa maanta isaga uu Madaxweynihii uu noo yahay Camuudna ay jaamacad tahay anna guddoomiyihii Jaamacadda aan ahay, waa arrin aan la isla helayn.”

Prof. Saleebaan, waxa uu soo hadal qaaday kaftan dhex maray isaga iyo madaxweyne Biixi, waxaana uu yiri:

“Madaxweynaha ayaa ila kaftamay maalin inta aanuu xilka qaban, Maansoor baan ugu galay markaas ayuu igu yiri macallin ma garaneysaa berigii anagoo yaryar aad aqalgashay oo ubaxa buurta aan kuugu keennay guriga, waxaan idhi; berigaa anna waan yaraa’e waa isku dhadhaweyn idinkaba habluhu wey idiin doonanaayeen waan idinka hor aqal galay un.”

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay ardayda dufcadda 17 oo marka hore iyaga iyo waalidiintooda uu u diray hambalyo:

“Dufcadda 17aad, ardayda kuwa ugu yari waa kuwa dibloomaha kuwa ugu badanina 10-sano ayey ku jireen qolyaha dhakhaatiirta ah waa qolada Postgraduate, lix sanno oo dhakhtarnimo ah, hal-sano oo internship ah iyo saddex sanno oo takhasus ah ayay qaateen.”

Guddoomiyaha jaamacadda Camuud waxa uu faahfaahiyay kulliyadaha ay ka kala tirsan yihiin ardayda qalinjabineysa, iyadoo markii ugu horreeysay ay soo saareen araday cilmi-baarayaal ah:

“Arday imtixaanka u fariisatay waxey ahaayeen 913, waxaa qiimeyntii ka gudbay 847, 102 waa ardayda Masters degree, ardayda undergraduate waa 745, oo sida soo socota kala ah: dhakhaatiirta takhasuska qaadatay Family medicine waa 5, masters oo public health waa 23, master of science,research and data analysis, masters of Sharia masters of project planning 12, mastars of MBA finance and Accounting waa 12, master rule of development waa 18, qolodad kale ee undergarduate-ka ee 745; 71 unbaa ah diblooma inta kale waa degree, waxaa ugu horreeya dhakhaatiirta waa 30 dhakhtar, macallimiinta 115 macallin oo degree ah iyo 45 dibloomaha ah, qolaha Busnisess-ku waa 141 degree ah iyo 26 diblome ah. qolada beeraha iyo faya dhowrka waa 69, qolada computer science waa 66, iyo 9 dibloomaha ah civil engineering waa 78, qolada Shareecadda iyo qaanuunka, dhaqaaluhu waa 27, kalkaaliyeyaasha iyo umulisooyinka waa 39, dhakhaatiirta ilkaha waa 22, Farmacy oo 21, qolada farsamada shaybaarka 23aad.”

Si kastaba, Jaamacadda Camuud ayaa sanadkan waxaa ka qalin-jabineysa dufcadii 17aad, jaamacadda ayaa ah tan ugu faca weyn ee dagaalladii sokeeye ka dib laga yegleelo Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Maandeeq FM