Saynisyahanno Ka Tirsan Jaamacadda Ohio oo Daahrogay Sirta “Farxadda” Nolosha

Saynisyahannada bilology-ga iyo cilmi-nafsiga ee jaamacadda Ohio, ayaa daahrogay in shakhsiyaadka muhiimadooda nolosha xilli hore sii qorsheeyaa ay ka farxad yar yihiin kuwa kale.

Jariidada “Science Alert” ayaa faafisay in cilmi-baarayaal Mareykan ah ay sameeyeen daraasad ballaaran oo ay ka qeybqaateen 163 arday jaamacadeed oo labo kooxood loo qeybiyay.

Kooxda koowaad waxey la siiyay jadwal maalinle ah oo qorsheysan, halka kooxd labaad aaney wax jadwal ah ku dhaqmeyn, waxey doonaan iney sameeyaan loo ogolaaday.

Xogta laga diiwaangeliyay dhammaadkii tijaabada oo muddo bil ah socotay, ayaa laga ogaaday in ardayda kooxda labaad ee loo ogolaaday iney waxey doonaan sameeyaan, ay ka farxad bateen ardada kooxda koowaad ee ku xadidnaa jadwal goonni ah oo ay ku dhaqmaan maalintii.

Sida khubaradani ay sheegayaan, aadanaha waxa uu nolol farxadeed oo wanaaagsan uu ku noolaadaa marka uu raaco nidaam aan jadwal lahayn maalintii iyo inuu sameeyo howlqabad bulsho oo kala duwan si uu u xoojiyo aragtida wanaagsan ee nolosha.

Maandeeq FM