Dumarka oo Kaliya.. 5 Su’aalood oo Kuu Muujinaya Bisaylka Lamaanahaaga & Inuu U Qalmo Guur iyo In Kale

Dumar badan ayaa ka cawda dhibaatada ay ku qabaan lamaanahooda nolosha..waxa uu doonayaa inuu i yareysto, waxwalba oo aan sameeyo ma cajab geliyaan, waxaan ka daalay khilaaf soo noqnoqday oo lamaanahayga igala dhaxeeya, waxa uu doonayaa inaan sidiisa oo kale noqdo, waxaan dareemayaa murugo, waa cabooshin dumar badan ka soo yeera guurkooda kadib, “Waxaa hubaal ah in ragga oo dhan aaney sidaa wada ahayn.”

Dr. Maxamed Cali oo ah la-taliye Psychiatry ku takhsusay, ayaa jariidada “Youm7” u sheegay in lamaanaha nolosha ee ay gabadhu xulaneysaa ay lagama maarmaan tahay inuu yahay qof u bisil guurka.. ninka guurka u bisil waa nicmad Alle uu bixiyo, marka aad eegto jacaylkiisa, fikirkiisa oo ka duwan ragga kale ee ay cuqdadi hayso ama aragtida gaaban ee caadifiga leh.

Dhakhtarkani waxa uu tilmaamay in su’aalo dhowr ah ay tahay in haweenaydu ay is weydiiso inta aaney la aqal gelin lamaanaha ay u doonan tahay:.

  1. Ma kugu jeesjeesaa?

Haddii jawaabtaadu ay haa tahay, waxaad ogaataa inuu yahay qof aan bisleyn oo aan kuu qalmin, maxaa yeelay; shaqsiga u bisil guurka lagama yaabo inuu dareenkaaga wax yeelleeyo, tusaale; ahaan marka uu kugu arko dhar aan kuu qalmin inaad wadato, si tartiib ah ayuu kuugu sheegayaa isagoon dareenkaaga wax yeello u geysan.

2. Afaarahaaga kuu gaarka ah ma soo dhex galaa?

Haddii jawaabtaadu tahay haa, ogow inaanuu ninkaasi ahayn qof bisil, maxaa yeelay; qofka ilbaxa ah lagama yaabo inuu xuduuddiisa soo dhaafo, waxa uu aaminsan yahay inuu shey gaar ah kuu yahay, sidaas ayuuna kugu ixtiraamaa.

  1. Xilliga aad u baahan tahay ma heshid sow maaha?

Haddii jawaabtu ay haa tahay, waxaa lagama maarmaan ah inaad dib iskugu laabato, maxaa yeelay; haweenaydu waxey inta badan jeceshay ninka go’aanka leh ee hal-eray oo qura yaqaanna, maxaa yeelay raganimado waa go’aan qaadashada.

  1. Dareenkaaga ma tixgeliyaa?

Haddii jawaabtu ay maya tahay, ninka bisil ee ilbaxa ah dareenka qofka daciifnimo uma arko, waxa uu qiimeeyaa kolba xaaladda aad mareyso, ha noqodo dareen farxadeed ama mid murugo.

5- Qadarin iyo qiimo goonni ah ma ku siiyaa?

Haddii aad dareento inaad noloshiisa ku tahay 2, waxaad ogaataa inaanuu ahayn qofkii saxda ahaa, iyadoo ay jirto inuu shaqo ku masquulsan yahay ayaa hadana aanuu ka daaleyn farriimaha jacelka iyo kalgaceylka leh.

Maandeeq FM