Hurdo Yaridu Waxey Keentaa Asaasaq Xilli Hore ah.. Madaxweynahan Ayaana Tusaale u Ah

Khubarada caafimaadku waxey arkaan in hurdadu ay tahay wadada ugu wanaagsan ee looga dhowrsado cudurro badan, labo ka mid ah cudurrada casriga ee reer-galbeedku la dhibaatoonayaan waa kansarka iyo aasaasaqa xilli hore, labaduba waxey ka dhashaan hurdo yarida.

Noloshan casriga ah ayaa dad badan u diidday iney heleen hurdo ku filan, taa bedelkeeda dhafarka iyo in xilli hore shaqo loosoo kaco ayaa noqotay caadada ugu badan ee lagu dhaqmo.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelaneysa xasuusta, oo si tartiib tartiib ah u dhibaatoobeysa oo ugu dambeyn keenaysa in qofku xilli hore uu asaasaqo, inuu kansar ku dhacana uu u nuglaado maadaama dhibaato ay soo gaarayso nidaamka ay unugyada jirku ku shaqeeyaan.

Sidee Asaasaqu ku yimaaddaa?

Cilmi ahaan cudurka Alzheimer-ka waa noocyada asaasaqa kan ugu xun, barotiin la yiraahdo Amyloid beta ayaa si tirio badan ugu uruura gudaha maskaxda oo dhibaateeya xasuusta qofka.

Haddii asaasaqu uu yahay cudurro badan oo kala duwan oo saameyaa xasuusta qofka iyo hab dhaqankiisa maalin laha ah, cudurka Alzheimer-ka waxa uu ka mid yahay cudurrada asaasaqa la socda, marba marka ka sii dambeysa wuu ku sii kordhaa qofka isagoo si gaar ah u abbaara xasuusta.

Si kastaba, tijaabada madaxweynihii hore ee Mareykan Ronald Reagan iyo Ra’isul-wasaarihii hore ee Ingiriiska Margaret Thatcher ayaa waxey ahaayeen labaduba kuwo aan seexan waqti ku filan, maalintii 4 ilaa 5 saacadood oo kaliya ayey seexan jireen, arrintaas oo markii dambey ay ka dhaxleen in xilli hore ay qaadaan cudurka Alzheimer-ka ee xasuusta lumiya.

Maandeeq FM