“Kuuggii Qarniga” oo Geeriyooday Iyadoo Da’diisu Ay Sii Caga-cageynayso 73-sano

Waxaa geeriyooday Isniintii shalay cunno kariyihii reer Faransiis  Joël Robuchon ee lagu naaneysi jiray kuuggii Qarniga iyadoo da’diisu ay sii caga-cageynayso 73 sano.

Afhayeen u hadlay qoyska Bobuchon ayaa xaqiijiyay geeridiisa, iyadoo warbaahinta Faransiiskuna ay sheegeen inuu u geeriyooday kansar isagoo ku sugan “Geneva”.

Liiska cunno kariyaasha ugu wanaagsan Faransiiska ayuu ku biiray sanadkii 1976, kadib waxaa lagu naaneysay “Kuuggii Qarniga” sanadkii 1990 “Gault et Millau cooking”.

Waxa uu ku caan ahaa hal-abuurkiisa joogtada ah ee dhanka jikada, waxa uu kacdoon ka sameeyay cunta karinta Faransiiska, waxaanuu dhisay hottello laga cunteeyo oo dunida daafaheeda ku kala yaalla.

Inta badan cunta kariskiisu kallifaadi kuma jirin, waxaanuu isticmaali jiray 3 ilaa 4 waxyaabood oo qura si uu raashin u diyaariyo, wareysi hore oo uu siiyay 2014 wargeysa Business Insider ayuu ku sheegay: “Mar kasta oo da’deydu ay sii kororto, xaqiiqada ayaan sii fahmaa, raashinkayguna wuu sii sahlanaadaa”, waxa uu intaa raaciyay: “Iskuma dayo inaan isku daro saddex cunto oo kala dhadhan duwan, waxaan jeclahay in waxyaabaha aan jikada u adeegsanayaa ay noqodaab kuwo la cusbooneysiin karo si sahlan loo garan karo inaan anugu sameeyay.”

Robuchon waxa uu ku dhashay galbeedka Faransiiska, sanadkii 1945 ayuu bartay habka cunno karinta, waxa uu yaqaannay sida cuntada looga karsado daafaha kala duwan ee dunida, waxa uu noqday madaxa cunno karinta hotelladii waagaa loo yaqannay “Concorde” ee magaalada Paris isagoo 29 jir ah.

Sida caadada u ah cunno kariyayaasha ugu caansan adduunka, waxa uu noqday calaamad gacansi, waxa uu hotello ka furtay, Las Vegas, Shanghai, Bangkok, Macau, Tokyo iyo New York.  

Maandeeq FM