Muhiimadda Cilmi-nafsiga Barbaarintu u Leeyahay Guulaha Macallinka

Shaki kuma jiro in cilmi-nafsiga barbaarinta(Educational psychology) uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro waxbarashada, saameynta uu ardayda ku yeesho darteed, gacmahood ayuu u qabta dhanka xaqiijinta natiijooyinka ugu wanaagsan inta ay wax dhiganayaan, muhimaddiisa aasaasiga ah waa in daraasad lagu sameynayo guulaha iyo fashilka waxbarashada iskuullaadka.

Macallinku waxa uu kaalin wanaagsan ku leeyahay ardayda oo guulahooda uu ka qeybqaato, saameynna uu ku yeesho, sidaa darteed; cilmi-nafsiga barbaarintu muhiimad ballaaran ayuu u leeyahay guulaha macallinka ee dhanka waxbarashada.

Cilmigan macallinku waxa uu ka helaa arrimo aasaasi ah oo farabadan waxaa ka mid ah:

1- Macallinku waxa uu ka helaa mabaaddii’ aasaasi ah iyo aragtiyo fasiraya isla markaana xakameynaya waxbarashada.

2- Waxwalba oo aan wanaagsaneyn ayuu ka fogaanaya oo ardayga naftiisa si xun u saameyn kara, sida canaanta aan waxtar ka lahayn iyo niyad-jabinta.

3- Macallinku waxa uu ka helayaa inuu barto waxyaabaha ay u baahan tahay howsha wax dhigista, waxa uu ka baranayaa astaamaha ardayda wax dhiganeysa iyo noocyada ay u qeybsamaan oo uu sii ogaanayo inta aanuu wax u dhigin ka hor.

4- Waxa uu ka faa’idaysanayaan mabaadii’da aasaasiga ah ee cilmi-nafsiga dhinacyada kobcinta, dhiirrigelinta, kobcinta garaadka, fikirka iyo xallinta mushkiladaha; waxa uu si mug leh u fahmayaan howsha macallinimo waxa ay uga baahan tahay inaaney ahayn in ardayga cashar la fahamsiiyo ee laakiin laga doonayo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin barbaaritan.

Macluumaadka iyo xirfadaha ugu muhiimsan ee laga helo cilmi-nafsiga barbaarinta waa iney ka reebtoomaan aragtiyada iyo fikiradaha waxbarasho ee ku salaysan aragtiyo gaar ah oo dad goonni ah ay leeyihiin, mid shakhsi ahaaneed iyo aragtida aan fiicneyn ee anaaniyadda ku dhisan. cilmigani waxa uu u suurogelinayaa macallinka inuu ardayda ku barbaariyo hab wanaagsan oo la jaanqaadi kara bulshada waxtar fiicanna u leh.

Macallinku waxa uu kala baranayaa halka uu ka awood badan yahay iyo dhanka uu ka jilicsan yahay, dhinacyada guush iyo halka guuldarrada waxbarashada laga dhaxlo.

Maandeeq FM