Xiddig Ka Tirsanaa Musaaracada Xorta ah ee WWE oo Loo Doortay Jago Siyaasadeed oo Muhiim ah

 Xiddigii hore ee musaaracada xorta ah “WWE”  Kane, ayaa ku guuleystay jago siyaasadeed mid ka mid ah gobollada Mareykanka.

Sida ay qortay jariidada “Sports Illustrated”, Xidiggii hore ee musaaracada ee magaciisa rasmiga ah uu yahay Glenn Jacobs, ayaa loo doortay mayor-ka magaalada Knox ee gobolka Tennessee ee gudaha dalka Mareykanka, markii uu si xoog ah uga adkaaday ninkii la taramayay ee ka soo jeeday xisbiga Dimuqraadiga, waxa uu ku guuleystay codod gaaraya 51 kun iyo 804 oo cod, halka ninkii ka soo horjeeday uu helay 26 kun iyo 224 cod oo kaliya.

Jacobs markii uu guuleystay waxa uu yiri: “Sababta guusheyda ka dambeysaa waa kooxda igu hareeraysan oo waqtigooda iyo awoodooda oo dhan ku bixiyay sidii ay ii garab istaagi lahaayeen, maxaa yeelay; way i aaminsan yihiin, arrintaasina waxey ii keensysaa inaan is dhuldhigo oo aanan is kibrin, sidaas oo kale dadku iney ii codeeyaan ayay doonayeen, mastaqbalkoodana wey igu aamineen, waana arrin kale oo mas’uuliyad weynna dusha iga saareysa.”

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay madaxweynaha shirkadda musaaracada ee WWE Vince Mcmahon oo sida uu sheegay si aad ah u garab istaagay musharraxnimadiisii “Vince si weyn ayuu ii garab istaagay intii aan jagada raadinayay, markii aan guuleystayna wuu ii soo hambalyeeyay.”

Glenn Jacobs, waa 51 jir aad u jecel musaaracada mihnadna ka dhigtay, waxa uu ku caan yahay “Kane”, waxa uu yaqaannaa qaab uu ku cabsigeliyo ciyaartooyda kale ee musaaracada ee la tartameysa, caruurta yaryana aad ayay uga baqaan, shirkadda WWE ayuu ka tirsanaa illaa intii uu 28 jirka ahaa.

Maandeeq FM