Hab Sahlan oo Looga Gudbi Karo Baqdinta Imtixaanaadka Xisaabta (Cilmi-baaris)

Arday badan ayaa ka baqata imtixaanka xisaabta oo si xoog ah uga gilgisha, laakiin cilmi-baarayaal daraasad sameeyay ayaa daahrogay waddo cusub oo mushkiladdaa looga gudbi karo.

Khubaradani waxey heleen in si wanaagsan oo toosan oo loo fariisto ay xoojiso xirfadaha ardayga ee xilliga gudashada waajibaadka imtixaanka xisaabta, waxeyna yiraahdeen in adeegsiga taktikadan ay ka garabsiisyo Xisaabyahannada, dadka mihnadoodu ay hadalka tahay iyo music-yahannada intaba iney si wanaagsan howshooda u gutaan.

Erik Piper“, Professor Health Education ah oo ka tirsan jaamacadda San Francisco University ayaa yiri: “Dadka welwelka ka dareema dhanka Xisaabta, habka uu u fadhiyo waxa uu sameynayaa farqi weyn, fadhiga aan saxda ahayn waxa uu curyaamiyaa shaqada maskaxda, qofkana wax uu ka hor istaagaa inuu sidii habbooneyd u fakaro.”

56% ardaydii daraasaddan ka qeybgashay, waxaa imtixaanka u fududeeyay iney si siman u fariisteen xilliga gudasha waajibaadka imtixaanka, halka fadhiga qallooca uu keenayo in qofka jirkiisu uu soo xaadirsado xasuus aan wanaagsaneyn oo hore oo jirka iyo maskaxda raad hore ku lahayd.

Lauren Mason oo ka mid ahaa dadkii cilmi-baaristan wax ka diyaariyay ayaa sheegay in natiijada daraasaddan ay daahrogtay waddo sahlan oo dhinacyo badan oo nolosheenna ka mid ah hagaajineysa, gaar ahaan marka aan daallanahay. halka sida aan ula falgaleynno deegaanka nagu hareeraysan ay saameyn ku leedahay, sida ay dadku noo arkaan iyo habka aan nafteenna u arkaynno.

Maandeeq FM