Jaamacadda SIMAD oo Daahfurtay Mashruuca “Qardul Xasan” oo Arday Babadan oo Danyar ah Ay Ka Faa’iidaysan Doonaan

Maalinnimadii shalay waxaa magaalada Muqdisho laga daahfuray mashruuc ay hal-abuurkiisa leedahay jaamacadda SIMAD oo loogu talagalay ardayda danyarta ah ee aan jaamacadda iska bixin karin iney ka faa’iidaystaan.

Mashruucan oo la yiraahdo Qardul Xasan ayaa ardayga lacagta jaamacadda la sii ammaahinayaa isagoo iska bixinaya marka uu shaqeysto, waxaana iska kaashanaya Jaamacadda SIMAD; Direct AID iyo Bankiga Premier bank.

Agaasimaha Xiriirka Guud ee Jaamacadda SIMAD, Cabdikariim Muxiyiddiin Axmed oo aan la xiriirnay ayaa nooga warramayay habkii markii hore ay fikraddu ku dhalatay iyo ulajeedka laga leeyahay mashruucan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Firkadda waxaa nagu dhaliyay in  aan aragnay arday badan oo iska bixin kari waayeen fiiga jaamacadda oo ay dhigtaan, siyaasadda jaamacadana ay ka mid tahay inaan ardayna loo eryin inuu iska bixin kari waayay lacagta, jaamacadda waxaa soo koray culaysyo farabadan, markaa waxaan ku fakarnay inaan la nimaadno hab cusub oo ardayda danyarta ah loogu faa’ideynayo jaamacaddiina culeys tirada badan looga yareyn karo.”

Cabdikariim waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:”Ardaygu waxa uu iska bixinayaa oo qura 30%, halka 70% soo harta wuxuu ku bixinayaa muddo 7-sano gudahood oo lacagtaas looga rabo, waa Afar sano oo uu jaamacadda dhiganayo iyo saddex sano oo uu shaqeysanayo”

Cabdikariim shacabka Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka waxa uu ugu baaqay iney la yimaaddaan fikrado hal-abuur leh oo fursad u noqon karta ardayda danyarta ah, si aan fiiga jaamacaddu u noqon caqabad ka horistaagta ardayad Soomaaliyeed waxbarashada.

DirectAid: waa hay’ad khayri ah oo fadhigeedu yahay dalka Kuwait, waxey xarumo ku leedahay illaa 40 waddan oo Afrikan ah, Soomaaliyana waxa ay ka shaqo bilowday 1986.

Mashruuca Qardul Xasan: waa deyn Allaah dartii loo siinayo qofka u baahan isla markaana ballan iyo cahdi lagula galayo in uu soo celiyo waqtiga lagu ballamay.

U jeedada mashruucan: Mashruucan waxaa loogu talagalay iney ka faa’ideystaan waalidiinta dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa ardayda badan uga soo qalinjabiyeen dugsiyada sare ee danyarta ah, si ay dhammaan u helaan fursad waxbarasho. waxaana ka faa’ideysan kara arday kasta oo SIMAD dhigta ama daneynaya inuu ku soo biiro jaamacadda.

Maandeeq FM