Dowladda Sucuudiga oo Ardaydeeda Ka Daadgurayneysa Canada 

Wasiirka waxbarasahda Sucuudiga Dr. Ahmed Issa ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka qalbiga ugu dejiyay ardayda Sucuudiyanka ah  ee wax ka barata Kanada iney ka shaqeynayaan sidii jaamacado kale loogu bedeli lahaa, kadib markii uu go’ay xiriirkii Sucuudiga iyo Kanada.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa Twitter-ka ku yiri: “Waxaan doonayaa inaan ardaydeenna Kanada ku sugan qalbiga ugu dejinno in xukuumadoodu ay ku dadaaleyso mustaqbalkooda cilmiyeed, sida hoggaankeennu inagu hagayo, waxaan ka shaqeynaynaa waxyaabihii idiin sahli lahaa si bedelashadiinnu u sahlanaan lahayd una fududaan lahayd, si aad u heshaan jaamacado gudaha ah ama kuwa kale oo dhanka dibadda ah, iyadoo la tixgelinayo kolba sida uu takhasuskiinnu yahay.”, ayuu yiri wasiirka waxbarashada Sucuudiga.

Si kastaba, wasaaradda waxbarasahda Sucuudigu  waxa ay bilowday tallaabooyin ay ku daadgurayneyso ardaydeeda ku sugan gudaha dalka Kanada ee takhasusyada kala duwan halkaa u jooga.

Maandeeq FM