Wasiir “Goodax” oo Ammaan Ballaaran u Soo Jeediyay Jaamacadaha Dalka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo isla shaly un la wareegay xilka wasaaradda ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay jaamacadaha dalka oo uu ku tilmaamay iney abaalweyn u galeen ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Goodax oo ka qeybgalay munaasab loogu dabbaaldegayay sanad guuradii 21aad ee aasaaska jaamacadda Muqdisho oo shalay lagu qabtay gudaha caasimadda ayaa sheegay in jaamacadaha dalka ka jiraa ay abaalweyn ku leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed:

“Bahdan runtii abaalweyn ayey ummadda Soomaaliyeed ku leeyihiin, anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda waxaan rabaa in aan idiin mahadceliyo, idiin sheegno inaad kaalin weyn nolosha Soomaaliyeed ka gasheen welina aad dhinac uga jirtaan, idiin sheegno in baahidii la idiin qabay aaney weli dhammaan idinkuna bogaadinno.”

Wasiirku waxa uu kula dardaarmay jaamacadaha iney tayada hagaajiyaan, waxaanuu u baallanqaaday in jaamacadaha oo dhan laga wada qeybgelin doono isla meeldhigidda tayada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay.

Isla shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay wasiir Cabdullaahi Goodax Barre oo xilka wasaaradda waxbarashada kala wareegay wasiiru-dowlaha wasaaradda  Cabdiraxmaan Maxamed Jaabir oo xilkaa sii hayay.

Maandeeq FM