JaamacadahaWararkaWaxbarashada

8 Su’aalood oo Kuu Sharraxaysa Imtixaanka “YÖS” ee Furaha u Ah Geliska Jaamacadaha Turkiga

Arday badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo ajaanib ah ayaa aad u xiiseeya iney wax ku bartaan gudaha Turkiga, maadaama ay ka dhisan yihiin jaamacado awood badan oo sumcad wanaagsan ku leh dunida, sidaas oo kale xukuumadda Turkiga waxaa ka go’an iney qaabisho ardayda ajaanibta ah oo ay dalkeeda ku soo dhaweyso, waxaa intaas oo dhan ka sii muhiimsan maceeshadda oo ardayga u sahlan tahay inuu si fudud ugu noolaado, lacagaha ay jaamacadaha Turkigu qaadaanna wey ka jabin yihiin jaamacadaha kale ee Yurub.

1- Muxuu yahay Imtixaanka YÖS?

Waa falsafad xukuumadda Turkiga ay dejisay oo arday kasta oo aan dugsiga sare ku dhammaan gudaha Turkiga la marsiiyo, heerkiisa aqooneedna lagu kasbeeyo, laguna eego kulliyadda uu codsanayo inuu u qalmo iyo in kale.

2- Imtixaanka miyaa lagu dhacaa?

Imtixaanka YÖS laguma dhaco, darajada aad ka hesho ayaana lagu qiimeynayaa halka aad u qalanto.

3- Goorma ayaa la qaadaa?

xilli go’an ma laha, jaamacad kasta waqti goonni ah ayey ku dhawaaqdaa.

4- Imtixaankani muxuu ka kooban yahay?

Imtixaankani waxa uu ka kooban yahay saddex nooc oo su’aalo ah, tan koowaad:  Qeyb lagu eegayo heerka aad xisaabta ka joogto Algebra, Geometry, su’aalo xisaabeedyo kale.

Qeybaha kale: Waa su’aalo maskaxeed iyo macluumaad guud, mudada imtixaanku waa 100 ilaa 120 daqiiqo, tirada su’aalahu waa 80 su’aalood oo ay jaamacaduhu ku kala duwanaan karaan.

5- Sideed Imtixaanka iskugu diyaarin kartaa?

-Waxaad iska sii akhrisaa buugaagta Algebra, Geometry iyo kuwa macluumaadka guud.

-Waxaa jira websiteyo lacag ah loo ardayda u sii diyaariyay imtixaanka oo loo yaqaanno YÖS online iyo YÖS TUBE.

6- Imtixaanka jaamcad u go’an miyuu leeyahay iyo goob goonni ah oo lagu qaado?

May, jaamacad kasta waxay leedahay nidaamkeeda u goonnida ah oo ka duwan jaamacadaha kale iyo waqtigeeda u gaarka ah.

7- Imtixaanku ma lacag la’aanbaa?

Waxaa lagu galaa lacag, caado ahaan lacagtaasi waxey ka bilaabneysaa $50 iyo wixii ka sii badan, jaamcad kasta oo imtixaanka ku dhawaaqda waad iska diiwaangelinaysaa lacagta adeegga waad iska bixineysaa.

8- Imtixaanka luqaddee lagu galayaa?

Hubanti, Luqadda Turkiga!

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close