arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waalidiinta “Melania Trump” oo Qaatay Jinsiyadda Dalka Mareykanka

Waalidiinta dhashay Melania Trump, marwada koowaad ee dalka Mareykanka ayaa Khamiistii qaatay jinsiyadda dalka Mareykanka si rasmi ah uga mid noqday muwaadintiinta dalkaasi.

Soddogga iyo sodohda Madaxweyne Trump Viktor iyo Amalija Knavs ayaa jinsiyadda helay, waa sida uu ku dhawaaqay qareenka gaarka ah ee Michael Wildes.

Wildes waxa uu yiri: “Arrimuhu si wanaagsan ayey ku soo dhammaadeen, qiimo weyn ayey maalintani ugu fadhidaa noloshooda.”

Waalidiinta dhashay Melania oo ka soo jeeda Slovenia, ayaa dalka Mareyka ku joogay (Green Card), waxaan ay daganaayeen Washinton illaa markii ninka gabadhooda qabaa uu noqday madaxaweyne.

Qareen Michael ayaa caddeeyay in waalidiinta Melania ay mareen dhammaan shuruudihii laga maarmaanka aheyd ee malaayiin qof ay maraan si ay u helaan jinsiyadda Mareykanka oo ay ku jirto iney waqti sugeen si ay muwaadiniin u noqdaan.

Waxa uu intaa sii raaciyay in howsha oo dhan laga soo bilaabo warqadihii codsigooda, interview-ga “Aan wax goonni ah oo howsha loogu fududaynayo loo sameyn, marka laga yimaaddo ilaalada ammaanka oo qura.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close