Aqalka Cad Muxuu Ka Yiri Buug Cusub oo Laga Qoray Madaxweyne Trump oo Si Weyn Loo Hadal Hayo

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in buugga la qorsheynayo inuu isbuuca dambe soo baxo ee ay alliftay kaaliyihii hore ee Madaxweyne Trump “Omarosa Manigault” ay beeni ka buuxdo.

Jariidada Washington Post ayaa sheegtay in buugga magaciisa la yiraahdo Unhinged (maangaabka) oo ka hadlaya Markhaati gudaha Aqalka Cad ee Mareyka idiinka warramaya, Omarosa waxey shaki ka keenaysaa xaaladda caqli ee madaxweyne Trump, waxeyna tilmaameysaa inaanuu xakameyn karin dareenkiisa.

Waxey qortay in loosoo bandhigay heshiis qiimihiisu yahay 15-kun oo dolar bishii si ay u aamusto, iyadoo jariidada Washington Post ay sheegtay iney heshay qoraallo ka mid ah buugga oo si hordhac ah loo tusay.

Buuggan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid lama filaan xambaarsan xiriirkii ay haweenaydani la lahayd Trump, waa sida Amazon ay shuugatay. waxaana shaqada Aqalka Cad laga eryay December-tii hore, kaib markii xiriirka Trump kala dhexeeyaa uu guuray meeshii ugu hoosaysay.

Markii afhayeenka Aqalka Cad la weydiiyay Jimcihii shalay buugga Omarosa waxey tiri, “Omarosa waxey doorbidday inaaney ka hadlin waxyaabihii wanaagsanaa ee uu sameeyay madaxweyne Trump iyo maamulkiisa si Mareykanku u noqdo goob ammaan ah oo horumar uu ka jiro, buuggan waxaa ka buuxa been iyo eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: waxaa wax laga xumaado ah in warbaahinta ay buunbuuniso oo sidii wax dhab ah oo kale loo qaatay buug ay qortay shaqaale hore oo Aqalka Cad ka tirsaneyd oo la doonayo in lacago lagu tacbo eedaymo been abuur ah.

Maandeeq FM