Cilmigu Muxuu Ka Yari Oraahda ah ‘Raggu Dumarkooda Way La Fooshaan!’

CC0

Khubaro ka tirsan xarunta cilmi-nafsiga ee caafimaadka dhalmada ayaa kaga dhawaaqay shirka San Francisco ee ay diyaarisay jamciyadda cilmi-nafsiga ee dalka Mareykanka, in ragga dhalmada kadib ay dareemaan murugo oo arrintaasi ay kala siman yihiin dumarka.

Khubaradii daraasaddan wadday waxey baareen habdhaqanka 450 rag ah oo xilli dhow aabayaal noqday, waxaa soo baxday in 10 qof ee rag ah mid ka mid ah uu Depression dareemo dhalmada xaaskiisa ka dib, sidaas oo kale waxey arkeen astaamaha welwelka 18% oo kasoo muuqday ka qeybgalayaasha daraasadda.

Sidaas oo kale raggan waxaa lagu arkay calool xanuun, yalaalugo, calool-majiir iyo oomateedka oo ka xirma oo cunno qaadashudan ay ku yaraato, dhammaan calaamadahan waa kuwo inta badan ay leeyihiin dumarka marka ay uurka qaadaan ee ay wallaca yihiin, waa sida uu qoray website-ka oane.ws.

Cilmi-baarayaashu waxey sheegeen iney arkeen hoos u dhac ku yimid hormoonka testosterone uuna kordhay Prolactin oo ragga. hormoonka Prolactin waxa uu muhiim yahay dumarka si uu u dhiirrigeliyo iney hooyadu caano yeelato.

Khubaradani waxey sheegeen in depression uu ragga ku dhici karo dhalmada xaaskiiskooda ka dib, waa marka xiriir adag uu ka dhexeeyo lamaanaha oo ninku xaaskiisa la murugoonayo.

Maandeeq FM