Cadaado: Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare oo Maanta Booqday Iskuulka “Maandeeq Academy”

Gudoomiye ku-xgeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed ayaa Maanta booqday Iskuul dad danyar ah ay caruurtoodu wax ku barato oo muddo ka hor uu ka hirgeliyay magaalada Caadaado si ay wax ugu bartaan ardayda danyarta ah.

Iskuulakan oo ku dhex yaalla kaamka Badbaado oo ka mid ah kaamamka ugu waaweyn ee dad barakacayaal ah ay ku noolyihiin ayaa waxaa wax ka barta 250 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho.

Gudoomiye Abshir ayaa mid mid u galay fasallada kala duwan ee Iskuulka oo lagu magacaabo “Maandeeq Academy, waxa uu si gaar ah u eegayay heerka waxbarasho ee ardayda iskuulka wax ka barata.

Iskuulka ayaa waxaa hirgeliyay xafiiska Arimaha bulshada senator-ka iyadoo sanad iyo bar ka hor xarigga laga jaray, ardaydu si lacag la’aan ah ayaa wax lagu baraa.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed oo booqasho ku jooga deegaan doorashadiisa degmada Cadaado ee xarunta baarlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa sheegay inuu halkaa u gaaray soo indha indheynta xaaladda dadkii soo doortay oo uu dib ugu laabtay iyo inuu halkaa ka hirgaliyo maktabad uu u furayo dhalinyada magaalada, si ay aqoontoodu u kobacdo.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada:

Maandeeq FM