Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare oo Maktabad Ka Hirgelinaya Degmada Cadaado

Guddoomiye ku-xeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare senotor Abshir Maxamed Axmed  oo shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu degmada ka hirgelin doono madkatab ay dhalinyaradu ka faa’idaystaan oo degmada uu ugu talagalay.

Guddoomiyaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhaweeyay maamulka degmada Cadaado, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala gaddisan ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ugu horreyn saxaafadda la hadlay ayaa ka tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Guddoomiyaha, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaa sharaf inoo ah inaan maanta halkan ku soo dhaweynno Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Mudane senator Abshin Maxamed oo howlo shaqo u soo gaaray deegaamada Galmudug khaasatan xarunta baarlamaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ee Cadaado, senator waxaan ku leenahay ku soo dhawow deegaankaaga, sidaan ogsoonnahay sanatorka waa meeshii laga doortay, shaqooyin badan awal ayuu horey uga hayay, hadana waxa uu u yimid inuu shaqo kale uu ka qabto.”

Dhanka kale, senator Abshir Maxamed Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare ayaa ka hadlay sababaha uu Caadaado u gaaray ee ugu weyn, isagoo tilmaamay inuu degmada Maktabad ka hirgelin doono:

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan soo booqanno maanta magaalada Cadaado oo ah deegaan ka mid ah deegaannada Galmudug, safarkeyga ujeedadiisu waxey tahay waajib ka mid ah waajibaadkii naloo doortay ee mudanayaasha loo doortay ee ahaa iney deegaankooda dib ugu noqdaan, si ay u ogaadaan xaaladda iyo duruufaha ay ku noolyihiin dadka ay matalaan iyo dadkii soo doortay, intaas waxaa dheer safarkeyga inta aan joogo waxaan sameyn doonaan oo aan u imaaday inaan Maktabad u furo degmada Cadaado, taas oo noqoneysa maktabad guud oo degmadu leedahay oo ay ka faa’idaysan doonaan dhalinyarada, halkaas oo ay ka heli doonaan keydkii aqoonta dadkii ka horreeyay iyo aqoonta kale ee ay u baahan yihiin, markaa booqashadaydu waxey la xiriirtaa waajibaadkaas aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.”

Si kastaba, tani maaha markii ugu horreysay ee senator-ku ka qeybqaato hor-u-marinta waxbarashada Galmudug, horey ayuu cadaado uga furay iskuul ay si lacag la’aan ah wax ugu bartaan dadka taabaaleysan ee barakacayaasha ah iyo mac’hadka indhoolayaasha Galmudug.

Maandeeq FM