arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

QM: Shiinaha Waxaa u Xiran 1-milyan oo Muslimiin ah oo Lagu Hayo Xeryo Sir ah!..Waxaa Laga Mamnuucay Masaaxifta Qur’aanka iyo Sijaayadaha Salaadda

Guddiga Xuquulu-insaanka Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii August 10, 2018 sheegay iney heleen warbixinno lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ku dhawaad 1-milyan oo ka tirsan muslimiinta “Uighur” ee dalka Shiinaha ay ugu xiran yihiin xukuumadda si u eego xeryo waaweyn oo sir badan ay ku hareeraysan tahay oo aan wax badan laga ogeyn.

Gay McDougall oo xubin ka ah guddiga Qaramada Midoobay ee la dagaallanka midab kala sooca ayaa sheegtay xogaha ay hayaan in hal-milyan oo Uyghurs-ka tirada yar ee Mulimiinta ah lagu khasbay iney galaan xeryo siyaasadeed oo ku yaalla gobolka Xinjiang ee xukun hoosaadka ah leh ee galbeedka Shiinaha.

Gay waxey tiri: “Waxaan aad uga welwelsan nahay warbixinnada lagu kalsoon yahay ee ay helayaan dalka Shiinaha, gobolka Uyghurs ay u bedeshay sidii wax u eego xeryo tababar oo sir badani ay ku hareeraysan tahay, waxaa loo aqoonsaday gobol aan xuduud lahayn iyadoo loogu hoos ganbanayo la dagaallanka xagjirka diimeed, bulshada xasilloonideedana lagu ilaalinayo.”

Dowlasha Shiinaha ayaa ku doodaysa in gobolka Xinjiang uu khatar ugu jiro kooxo xagjir Islaami ah iyo kuwa kale oo goonni u goosad ah, kuwaas oo gaysta weerarro dhibaato ku ah gobolka iyo guud ahaan Shiinaha.

Sanadkii hore ayaa dowladda Shiinaha waxey amar ku bixisay iney Uyghurs ay soo dhiibaan masaaxifta Qur’aanka, sijaayadaha Salaadda iyo waxwalba oo diinta Islaamka xiriir la leh oo ay haystaan, haddii kale ay waajahayaan ciqaab adag, waana sida ay qortay jariidada The Independent oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Uyghurs qurbajoog ah.

Waxyaabaha kale ee qowmiyadda lagama mamnuucan waxaa ka mid ah iney gar la baxaan ama ay dumarku niqaabka ku xirtaan goobaha danta guud iyadoo la ciqaabi doono qofka diida inuu daawado TV Qaranka Shiinaha.

Uyghur-ku waa: Qowmiyad Muslimiin ah oo asal ahaan ka soo jeeda Aisa-yada dhexe. dadka gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha waxey ka yihiin 45%.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close