WararkaWaxbarashada

Baarlamaanka Puntland oo Meelmariyay Xeerka “Tacliinta Sare”

Baarlaamaanka Puntland ayaa maanta oo Axad ah meelmariyay sharciga tacliinta sare ee lagu ilaalinayo tayada waxbarashada sare.

Xeerka oo in muuddo ah horyaallay golahan ayaa lagu waday dib u eegis la fugur wixii laga bedelayo iyo qodobaddii lagu soo kordhinkaro ee lagama maarmaanka ah.

Xildhibaan C/raxmaan Saciid Maxamed oo ka mid ahaa guddi xildhibaanno ah oo loo xilsaaray in dib-u-eegis, ayaa ugu horreyn waxa uu  akhriyey waxyaabihii ay ka bedeleen xeerkan iyo sidoo kale waxyaabihii ay kusoo kordhiyeen, waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Mudane Guddoomiye mudanayaal iyo marwooyin, guddiga arrimaha bulshada iyo xubnihii lagu kordhiyay waxay daraasaad iyo lafagur ku sameeyeen xeerkii guddiga tacliinta sare ee goluhu u xilsaaray, waxaanan halkan idiinku soo gudbineynaa talo soo jeedin ku aaddan, wixii aan u aragnay in lagu kordhiyo, laga saaro ama wax laga bedelo, waana sidan hoos ku qoran: qodobka 4aad, Yegleelidda guddiga tacliinta sare, waxey u qoreen qodobka 4aad faqraddiisa 2aad ee (b), iney qaadato, iney soo gadato ama keensato, haysato, iibsato, ama wareejiso hanti guurto ah ama ma goorto ah, si waafaqsan dastuur iyo qawaaniinta kale ee dalka, haddii hantidaasi tahay mid dowladeed ama mid wadaag ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxey guddigu u qoreen qodobka 5aad faqraddiisa (1) guddigu waxa uu ka koobnaan doonaa 18 xubnood oo uu soo magacaabayo Madaxweynaha Puntland, waxaana soo jeedinaya wasiirka wasaaradda waxbarasha iyo tacliinta sare. waxay guddigu u qoreen qodobka 5aad faqraddiisa 1aad ee (a) guddoomiyaha guddiga oo xilka guddoomiyenimo u magacaabayo madaxweynuhu, qodobka koowaad faqraddiisa (b) guddoomiye ku-xigeenka oo ay iska dhex dooranayaan xubnaha guddigu. qodobka 5aad faqraddiisa koowaad ee (c) shan qof oo ay soo xuleen matalayaanna hay’adaha tacliinta sare ee Puntland. qodobka 5aad faqraddiisa koowaad ee “f” laba qof oo ay soo xuleen hay’adaha shaqo bixinta ee ururka ganacsata Puntland iskaashatooyinka beeraleyda iyo kalluumaysatada, qodobka 5aad faqraddiisa koowaad ee (g) hal qof oo ay soo xuleen matalaayana culumada diinta. qodobka 5aad faqraddiisa koowaad ee (l) xafiiska fulinta guddiga waxaa soo noqon doona xubin ku timid tartan furan oo aan lahayn xuquuqda codbixinta ah.”

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay lafagur ku sameeyeen xeerkan, islamarkaana waxyaabaha ay kusoo dareen ka mid ah arrimaha dhismaha guddiga tacliinta sare.

Axmed Cali Xaashi, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu xeerkani soo maray isagoo sheegay iney diyaarinayeen xeer damaanad qaadaya tayada waxbarashada sare:

“Maanta oo ay taariikhdu ahayd Axad, bishuna ay tahay 12, waxaa golaha wakiillada horyaallay muddo guddina loo qabtay, gudigaasina shaqo badan dabadeed maanta ayay golaha soo hordhigeen xeerka tacliinta sare, xeerka waxbarashada caadiga ah wuu jiray, laakiin indhaweyd waxey Puntland ku howlanayd in waxbarashada ay hesho xeer, taas oo keeni karta in tayada waxbarashada ay meel marto, in dhalinyada dugsiga sare ka soo baxeysaa ay hesho jaamacad ay mustaqbalkooda iyo aayahooda ku meelmariyaan.”

Ugu dambeyn, waxa uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay natiijada codbixinta xeerka la geliyay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Goluhu xeerka waxyaabo badan oo iska horimaanayay ayay ka saareen waxeyna meelmariyeen saaka, 30 cod ayaa waxey ku meel mariyeen inuu xeerkaasi noqdo xeer ka mid ah xeerarka Puntland uuna dhaqangeli doono marka uu madaxweynuhu soo saxiixo, faafinta rasmiga ah markaas ayaa la sameynayaa.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close