arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay 96-jir ah oo U Fariisatay Imtixaankeedii Koowaad ee Dugsiga Hoose!.. Record-kan Ayey Dunida u Dhigtay

Haweenay waayeel ah oo 96 jir ah ayaa go’aansatay iney dib ugu laabato iskuulka hoose gudaha dalka India, halkaas oo ay uga qeybgashay imtixaankeedii ugu horreeyay ee ay nolosheeda gasho, imtixaankii akhriska waxey ka heshay buundo dhammeystiran.

Ayeeyadan ayaa warkeedu si aad ah ugu baahay gudaha dalka India iyo dibaddiisaba, dadku aad ayey ula dhaceen hamuunta ay u qabto iyo sida ay ugu dadaaleyso waxbarashada, iyadoo ay jirto in go’aankan ay gaartay xilli dambe oo waxbarashada ay si aad ah uga dib dhacday.

Ayeeyadan oo la yiraahdo “Karthyayini Amma“, ayaa intii ay isku diyaarineysay imtixaanka caruurta ay ayeeyada u tahay ay ka garabsiiyeen waxbarashada diyaar garowgeedana ay kala qeybqaateen. Markii ay ku guuleystay imtixaankeedii koowaad, ayaa record caalami ah ay dhigtay, waxey noqotay haweenaydii ugu da’da weyned ee u fariisata imtixaan dugsi hoose.

Qoyska Karthyayini ayaa aad ula dhacsan waxa ay sameynayso, waxey sheegeen iney wax dhiganeysay isla markaana ay diyaar garoobaysay muddo 6-bilood ah oo xiriir ah, iyadoo si dhammeystiran iskugu diyaarisay.

Ayeeyadana ayaa yoolkeedu yahay, sida ay sheegtay, iney gaarto fasalka ugu dambeeya ee dugsiga sare imtixaankiisana ay si dhammeystiran uga gudubto!.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close