Nikola Tesla… Caalimkii Daahrogay “Remote control”

Nikola Tesla, waxa uu ka mid ahaa daahragayaashii ugu wanaagsanaa Adduunka, waa physics-yahan, engineer koronto iyo mid makaanig intaba isku noqday, waxa uu ku caanbaxay kaalintii uu ka qaatay daahrogga nidaamka “Sinusoidal Alternating current“.

Waxa uu dhashay July 10, 1856, waxaana uu geeriyooday Janaayo 7, 1943, waxa uu khibrad u lahaa taleefoonka iyo kororntada inta aanuu u safrin dalka Mareykanka sanadkii 1884, si uu ula shaqeeyo Thomas Adiso oo markaa joogay magaalada New York.

Muddo kooban markii ay wada shaqeeyeen Adison, ayaa waxa uu sameystay shaybaar iyo shirkadihiisa gaar ah, sanadkii 1891 ayuu helay jinsiyadda dalka Mareykanka.

Remote control

Tobonaan daahrog oo caalimka Tesla uu sameeyay ayaa Remote -ku ka mid ahaa, dad badan waxaaney ogeyn in Tesla uu hal-abuuray, waxa uu horumarin ku sameeyay qalab electroonig ah oo meel fog laga maamuli karo. si amaradda uu u qaado iyadoo aan fillo la adeegsaneyn.

Taariikhda Remote-ka

Tesla waxaa uu suurogashay sanadkii 1898 inuu helo shahaadaha daahroggiisa oo number-keedu yahay “U.S Patent 613,809“, isla sanadkaas ayuu dadka u soo bandhigay, sanadkii 1903 ayaa Leonardo Torres y Quevedo uu soo bandhigay waxa uu ugu magac daray “Telekino” oo uu ku soo bandhigay akaademiyada Paris ee Sayniska, isla waqtigaa waxa uu shahaadaha dahroggiisa uu ka helay Faransiiska, Spain, UK, US.

Telekino waa aalad meel fog amarro ka bixineysa oo mowjado Electromagnetism leh, kadib soddomeeyadii qarnigii hore ayaa shirkadaha soo saara radio -ga ay bilaabeen iney daahrogaan modello kale oo horumarsan oo Remote control ah.

Maandeeq FM