Xayawaanka Ugu Xawaaraha Badan Adduunka oo La Daahrogay (Muuqaal)

Saynisyahanno Mareykan ah oo ka tirsan mac’hadka “Georgia Institute of Technology” ayaa daahrogay noolaha adduunka ugu xawaaraha badan.

Noole ka mid hal-unugleyda ah oo shabbaha gooryaanka lana yiraahdo “Spirostomum ambiguum“, ayaa noqday noolaha ugu xawaaraha badan adduunka, kadib markii la helay in xawaarihiisu uu gaarayo 724-Km saacaddii.

Sida uu qoray website-ka “gizmodo“, khubaradan tijaabada sameysay ayaa tilmaamay in noolaha kale sida Haramacadka, shimbiraha, aadanaha, xawaarahoodu uu ku tiirsan yahay, dhaqaajiyeyaal Protein, Mysoni, Actin. halka bakteeiyadan xawaareheedu uu ku tiirsan yahay dhaqaajiyeyaal biology ah, sidaa darteed ayaa xawaareheedu u u noqday mid aad u sarreeya.

Noolahan “Spirostomum ambiguum” ayaa dhirirkiisu yahay 4mm, waxaanuu ku nool yahay biyaha macaan, hawaarihiisa waxaa lala barbardhigi karaa %73 xawaaraha Gantaalka.

Khubarada ayaa caddeeyay in waqtigan aaney u suuragelin iney helaan sirta xawaaraha noolahan, waa sida uu tilmaamay caalimka la yiraahdo professor Saad Bhamla, waxa uu sheegay in arrintaas oo la daahrogo ay ka garab siin karto in la sameeyo robot xawaare sare ku dhaqaaqa oo tamar yar isticmaala.

Maandeeq FM