10 Jaamacadood ee Ugu Wanaagsan “Canada” ee Aad Wax Ka Baran Karto

Kanada waxaa loo aqoonsan yahay iney ka mid tahay dalalka ugu wanaagsan ee ay ardayda caalamku u jihaystaan marka ay ku fakarayaan waxbarasho dibadda ah, intaa waxaa sii dheer Kanada ay tahay dowladda koowaad ee ay u jihaystaan qoysaska doonaya iney caruurtooda la haajiraan.

Si guud, Jaamacadaha Kanada waxey leeyihiin sumcad wanaagsan oo dhanka waxbarashada ah, jaamacadaheedu waxey ugu horreeyaan liiska jaamacadaha ugu wanaagsan adduunka, sida uu sheegayo tilmaamaha “QS world university ranking & Times Higher Education World University Ratings.”

Kanada waxyaabaaha soojiidasha leh waxaa ka mid ah jawigeeda soo jiidasha badan, waa dowlad looga hadlo labada luqadood ee Fransiiska iyo Ingiriiska, arrintaasi waa fursad kale oo ardaygu uu ka faa’iidi karo inuu luqado badan ku barto, sidaas oo kale; jaamacadaha ku yaalla waxey ilaaliyaan heerka caalamiga ah ee tayada aqoonta lagu qiimeeyo, waana arrinta ka dhigta in jaamcadaheeda aad loo baadigoobo Google; oo sanad walba soo saara liiska kala sarreynta jaamacadah loogu baadigoobka badan in jaamacadaha Kanada ay ugu sarreeyaan.

Hadaba, warbixinta waxaan idiin soo bandhigeynaa liiska 10 jaamcadood ee ugu wanaagsan Kanada waa sida uu qoray tilmaamaha QS ee jaamcadaha ugu wanaagsan adduunka, liiskan waxaa ka soo dhex muuqday 25 jaamacadood oo Canadian ah, waxaana jaamacadah lagu qiimeynayay 6 dhinac oo uu ka qeyb tahay sumacadda hay’adda macalliniimta jaamacadda ee dhanka waxbarashada.

  1. Jaamacadda Toronto

Jaamacadda Toronto waa jaamacadda koowaad ee liiska jaamacadaha ugu wanaagsan Kanada, dhanka caalamka waxey gashay kaalinta 28, waa jaamacadda sumcad weyn ka heshay shaqaaleystiinta ardaydeeda oo ay ku caan tahay.

  1. Jaamacadda McGill

Jaamacaddan waxey dalka Kanada kaga jirtaa kaalinta 2aad, dunida kaalinta 33, jaamacaddan waxey sumcad ku heshay iney arday badan oo daafaha kala duwan ee dunida ka kala yimid ay wax ku bartaan, waxaa wax ka barta arday ka kala timidi illaa 150 dowladood.

  1. Jaamacadda British Columbia

Jaamacaddan dunida waxey kaga jirtaa kaalinta 47aad, jaamacaddan waxaa ka soo baxay 8 qof oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize iyo 71 oo ka mid ah culumada-sayniska kuwooda ugu caansan adduunka.

  1. Jaamacadda Alberta

Jaamacaddan kaalinta 4aad ayay kaga jirtaa Kanada, dunida waxey ka tahay jaamacadda 109 ee ugu wanaagsan jaamacadaha dunida.

  1. Jaamacadda McMaster

Jaamacaddan waxey dunida kaga jirtaa kaalinta 146 jaamacadah ugu wanaagsan adduunka, jaamcaddan waxey sumcad ballaaran ku leeyahay dhanka culuumta caafimaadka.

  1. Jaamacadda de Montrēal

Jaamacaddan waxaa la aasaasay sanadkii 1878,  kaalinta 149 ayay kaga jirtaa liiska jaamacadaha ugu wanaagsan adduunka.

  1. Jaamacadda Waterloo

Waxey ka mid tahay jaamacadaha ugu wanaagsan adduunka oo ay ka gashay kaalinta 163, jaamacaddan waxaa la aasaasay sanadkii 1956.

  1. Jaamacadda Western

Jaamacaddan waxey kaalinta 214 ka gashay liiska jaamacadaha ugu wanaagsan adduunka, dhanka qiimeynta macallimiinta waxey gashay kaalinta 62 hay’adaha wax dhigista ee ugu wanaagsan adduunka.

  1. Jaamacadda Calgary

Jaamacaddan kaalinta 229 ayey ka gashay jaamacadaha ugu wanaagsan aduunka 2019, waxey 5 farac ku leedahay daafaha kala duwan ee dunida, waxa ku jira farac Qatar ku yaalla oo la aasaasay sanadkii 2007, faracan waxaa xoogga lagu saaraa “nursing education” kalkaalisooyinka.

  1. Jaamacadda Queen’s

Jaamacaddan ayaa kaalinta 10aad kaga jirta jaamacadaha ugu wanaagsan Kanada, waxaa la aasaasay xilli ka horreeysay aasaaska dowladda Canada waa sanadkii 1841, waa jaamacadda ugu faca weyn ee dalka Kanada.

Maandeeq FM