WacyigelinWararkaWaxbarashada

10 Sababood oo Raggu Uga Raagaan Guurka .. Qaarkood Xalkoodu Wuu Fudud Yahay

Weli ma ku fakartay iney jiraan sababo loo aaneyn karo in ragga qaar ay doobnimo ugu raagaan? daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in muuqaalka aan soo jiidashada lahayn iyo kalsoonni darro ay ugu weyn tahay sababaha raggu ay guurka uga raagaan.

Doobnimada waxey faa’iido u leedahay shakhsiyadda qofka oo naftiisa daryeel goonni ah u fidiya, waa sida ay cilmi-baarasyo hore sheegeen,, doobnimadu waxey xoojisaa xiriirka bulshada waxayna kordhisaa dhismaha jirka qofka doobka ah oo si weyn isku daryeelaya.

Iyadoo arrimaha aan soo sheegnay ay jiraan ayaa hadana ay u badan tahay inuu qofku Jacayl ku dhaco, sida ay sheegayso jariidada “The Independent” ee gudaha dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Sababaha ugu badan ee raggu doobnimda ugu raagaan

Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa daahrogtay sababaha ugu badan ee ragga doobnimada ugu raagga.

Iyadoo ay jirto in jawaabtu ay iska caddahay ayaa hadana sababha ugu weyn ay yihiin, inaan dareenkooda laga hoosqaadayn, soojiidashiisa iyo awoodda ay u leeyihiin iney dumar la haasaawi karaa ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto.

Menelaos Apostolou oo ah Assistant Professor Foculty-ga Humanities, Social Sciences iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Nicosia ee Cyprus, ayaa sameeyay daraasad ka hadlaysa babaha doobnimada ragga ku raagga isagoo su’aal soo dhex dhigay akhtirstayaasha website-ka “Reddit“,  Su’aashu waxey u dhacaysan sidan “Dhalinyaro maxaad la guursan la’dihiin?”

Su’aashaa waxaa ka soo jawaabtay 20,207 qof, laakiin jawaabaha intooda badani waxey ahaayeen comment laga dhiibtay jawaabo dadka qaar ay ka bixiyeen su’aasha.

Intaa kadib, Cilmi-baarayaashu waxey si gaar ah u xusheen 13,429 jawaabood oo falcelinta su’aashaa ka dhashay, waxaa laga sii xulay 6,794 oo jawaabood oo ugu dambeyn loo qeybiyay 43 kooxood, qeyb daraasaddan ka mid ah waxaa lagu faafiyay Evolutionary Psychological Science.

Natiijada daraasaddan

Sababata koowaad ee ugu badan ee raggana guurka uga raagaan waxey noqotay muuqaalkooda oo aan soo jiidasho lahayn, waxaa kaalinta labaad soo gashay kalsoonni darro, kaalinta saddexaad iyo afaar waxaa soo galay, ku dhac la’aan iyo inaanuu qofku daneynayn inuu xiriir sameeyo, halka sababta shanaad ee guurka ay ragga ugu raagaan ay noqotay haasaawaha(shukaansiga) oo aaney garaneyn.

10 sababood ee ugu badan ee raggu ay guurka uga raagaan

  • Muuqaalkooda oo aan soo jiidasho lahayn.
  • Kalsooni darro.
  • Ku-dhac la’aan iyo in aanuu rabitaankiisa sheegan karin.
  • Inaanuu dan ka lahayn guurka.
  • Haasaawaha oo aanuu garaneyn.
  • Goonni u socodnimo iyo qof bulshaawi ah inaanu ahayn.
  • Inuu xiriir hore ka soo fashilmay.
  • Jacayl hore oo ka dhicisoobay.
  • Dumarka doobka ah oo yar.
  • Buurin.

Sidaas oo kale, waxaa jiray sababo kale oo daraasadda lagu sheegay oo ay ka mid tahay, dhaqaale yari iyo baqdin ay ragga qaar guurka ka qabaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close