WararkaWaxbarashada

Dhaqaale Yahankii Reer Masar ee Caanka Ahaa “Samir Amin” oo Geeriyooday

Axaddii shalay waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday mufakirkii dhaqaale yahanka ahaa ee reer Masar “Dr.Samir Amin”,  waxa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee loogu tago aqoonta dhaqaalaha iyo bulshada Caalamka.

Xisbiga “National Progressive Unionist Party” oo uu ka tirsanaa ayaa xaqiijiyay geerida dhaqaale yahanka oo muddooyinkii dambe ku noolaa caasimadda Senegal ee Dakar, iyadoo oo ay da’diisu tahay 87-sano jir.

Xoghayaha guud ee midowga Qoraaga Carbeed “Habib Alsayegh” oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid dhaqaale yahanka, ayaa waxa uu yiri: “Masar waxaa ka baxay maanta mid ka mid ah dhaqaale yahankeedii ugu muhiimsanaa.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Aadbaan ugu khasaarnnay geerida Dr. Samir Amin, waxa uu ahaa mufakir fuqarada u hiilliyay, kana qeybqaatay kobcinta dhaqaalaha dowlahadaha faqiirka ah, kana hortagay oo ka shifay danta laga leeyahay oraahyo badan iyo qorshayaal ay wateen shirkado maaliyadeed oo caalami ah”, waana sida ay qortay warbaahinta Masar qaarkood.

Dr. Samir Amin waxa uu ku dhashay magaalada Port Said ee bariga Masar sanadkii 1931, waxaana iska dhalay Abbe Masaari ah iyo hooyo Faransiis ah, dugsigiisa sare markii uu Masar ku dhammeystay ayuu u safray dalka Faransiiska si uu  halkaa waxbarashadiisa uga sii wato, illaa uu ka gaaro Ph.D uu ka qaatay cilmiga dhaqaalaha Jaamacadda Sorbonne.

Waxqabadkiisii ugu muhiimsanaa: Waxa uu daraasad ka sameeyay lacagta iyo maaliyadda Masar si loo waajaho mushkiladda sicirbararka, waxa uu wax ka qoray qaanuunka qiimaha iyo wax kala bedelashada aan isku dheellitirneyn, waxyaabihii uu wax ka qoray waxaa ka mid ah doodda diinta iyo dowladda, dhaliilaha doodda Carbeed ee maanta taagan.. iyo buugaag badan oo kale oo dadku ay si aad ah u jeclaysteen.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close