arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sweden: Lo’da oo Loo Ogolaaday Iney Xeebaha Ku Dabbaalato!

BBC ayaa sheegtay in dowladda hoose ee  koonfurta Sweden ay lo’ada u ogolaatay iney xeebta ku daabbaashaan si ay iskugu qaboojiyaan oo ay u waajahaan mowjado kulaylka xagaaga ah oo dalkaasi ku dhuftay.

Go’aankan ayaa soo baxay, iyadoo ay jirto cabashooyin isasoo taraya oo ay gudbinayaan dadka xeebaha ku dabbaasha oo u arka in xooluhu ay dhibaato ku noqon karaan caafimaadkooda maadaama ay isku meel ku dabbaalanayaan.

Shabakadda BBC oo soo xiganeysa warbaahinta maxalliga ah ee gudaha dalka Sweden, ayaa sheegtay in dadka xeebaha ku dabaasha ay cabasho u gudbiyeen mas’uuliyiinta gobolka Smaland joogista xoolaha ee xeebaha, iyagoo hoosa ka xarriiqay in joogista xoolaha ee xeebaha uu caafimaadkooda khatar ku yahay.”

Dacwadahaasi waxey keeneen in maamulka dhaqanka iyo madadaalada ee deegaanka Vaxjo, uu u codeeyo in lo’da xeebaha laga maamnuucayo iyo in kale, codbixintii waxey ku dhammaatay “Lo’du waxey xaq u leedahay iney xeebaha booqoto sida aadanaha oo kale!.”

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close