TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Google oo Maamulayaasha Shirkadaha U Ogolaanaya Iney La Socdaan Howlgudashada Shaqaalahooda

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in shirkadda Google ee laga leeyahay dalka Mareykanka loo diiwaangeliyay qalab cusub oo maamulayaasha shirkadaha u ogolaanaya iney si fudud ula socdaan dhaqdhaqaaqa shaqo ee shaqaalaha shirkadaha iyo howlgudashooda.

Website-ka “Theoutline” ee ku takhasusay arrimaha teknolojiyada ayaa caddeeyay in Google August 9, 2018 loo diiwaangeliyay daahrog (Patent) qalab cusub ah oo Google macluumaad faahfaahsan uu kaga uruurinayo dadka adeegsada internetka, waxyaabaha ay internet-ka ka dheehdaan, farriimaha ay ku diraan, muuqaallada ay daawadaan, xiriirkooda shaqada, loona gudbinayo macluumaadka maamulaha shaqada iyo mas’uulka ugu sarreysa ee shirkadda ay ka howlgalaan.

Google ayaa daraasad ku sameyn doona heerka ay gaarsiisan tahay shaqada uu qofku hayo, waxaana warbixin daraasadda oo faahfaahsan la gaarsiinayaa maamulaha shaqada.

Shirkadda Google ayaa tilmaantay in daahroggeeda cusub ay uga golleedahay in la kordhiyo wax-soo-saarka shirkadaha iyadoo loo dhabbagalayo howlqabadka shaqaalaha oo la kormeerayo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close