WararkaWaxbarashada

Guddoomiye Cabdi Xaashi: ” Waa In Af-Soomaali Caruurteenna Wax lagu Baraa”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi  ayaa ugu baaqay iskuullaadka dalka iyo gacansatada iney adeegsadaan Af-Soomaaliga xilliga wax dhigista iyo qoraallada xayaysiimaha ah ee tabeellayaasha iyo derbiyada ay ku qortaan.

Guddoomiyaha Cabdi Xaashi oo Isniintii ka qeybgalay xuska sanadguuradii 5aad ee adkademiyad goboleedka Afka Soomaaliga ee “AGA”, ayaa ku baaqay in Iskuullada dalka wax lagu barto Af-Soomaaliga, qoraallada derbiyada iyo tabeellayaasha gacansiga loo adeegsado  Af-Soomaali si loo fahmo:

“Ineynu xoojinno afkeenna oo sidii hadda ay abwaaniintu sheegayeen; maxayenu ugu qori Af-ingiriis iyo Af-Carabi Derbiyadeenna maynu ku qoronno Af-Soomaali oo wax inoo sheegaya. waxa weeye iskuulladeenna waa in Af-Soomaali caruurteenna wax lagu baraa, la xoojiyaa”, ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Si kastaba, Dalka ayaa wax looga bartaa luqado kala duwan oo ay ugu horreeyaan Af-Ingiriiska iyo Af-Carabiga oo manaahij kala duwan oo dalal shisheeye ay yeelihiin in muudo ah lagu dhaqmayay caruurtana wax lagu barayay, sidaas oo kale; gacansiga inta badan boorarka xayaysiinta waxaa loo isticmaalaa luqaddaha qalaad ee Carabiga iyo Ingiriiska leh!.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close