arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Shaqada Riyada” oo Ka Bannaan Jasiiraddan Griigga ah!

Haddii aad ku fakareyso inaad shaqadaada bedelato oo aad u guuro jasiirad Griig ah si aad waqti halkaa ugu soo qaadato, xilligeedii waa la joogaa, waxaad xoogaa isbedel ah ku sameysaa un CV ga gaarka ah.

Arrintu waxey u muuqataa mid soo jiidasho badan illaa xad aan la rumeysan karin, ururka badbaadinta bisadaha ee ku sugan jasiiradda “Syros“, ayaa waxey raadinayaan qofka kartideeda leh oo awooda inuu xannaaneeyo 55 bisadood gudaha jasiiradda.

Ururkan oo la yiraahdo (God’s Little People Cat Resue) ayaa soo bandhigay shaqooyin bannaan “Shaqooyinka Riyada” oo bartooda  Facebook ay ku soo xayaysiiyeen.

Waxaa qorsheysan in qofka shaqaalaha ah ee jasiiraddaa shaqo ka helaa la siiyo guri bilaasha ah oo biyihii iyo korontadii ay ku jiraan, waxaa sii raacsan 320 giniga sterling ah oo lagu helayo saacadaha shaqo ee part-time-ka ah.

Si shaqadaan aad u hesho waa inaad bisadaha jeceshahay, sidaas oo kale qofku waa inuu macluumaad ka haysto caafimaadka xoolaha (laakiin arrintaasi muhiim maaha).

Shaqadan ayaa bilowga hore waxaa lagaa saxiixayaa 6 bilood ah, laakiin bilowga hore waxaa 3 isbuuc ku shaqeynaysaa  si mutadawacnimo ah, waa si laguu tijaabiyo bisaduhu sida ay ula falgalayaan shaqaalaha cusub.

Waxaa la sheegayaa in shaqadani ay cid kasta u furan tahay, illaa dhammaadka bisha August la soo codsan karo, waxeyna u badan tahay in tartanka shaqada uu noqdo mid aad loogu baratamo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close