Warbixin Macluumaad Layaab leh Ka Sheegtay Maamulaha Shirkadda Ugu Qaalisan Adduunka

Marka la soo hadalqaado jagada maamulaha fulinta (CEO) ee shirkad qiimaheeda suuqu uu gaarsiisan yahay $ 1trillion, waxa maskaxdaada ku soo degdegaya nolosha uu ku noolyahay nooca ay u ekaan karto, laakiin arrintaasi kuma tilmaanna Tim Cook oo ah maamulaha Apple, shirkadda ugu qiimaha badan dunida.

Bisiness Insider ayaa macluumaad lama filaan ah ka qortay, waxey sheegtay in hantidiisu ay gaarsiisan tahay 625-milyan oo doollar oo badan keedu uu yahay saami uu ku leeyahay shirkadda Apple.

Maamulahan 57 jirka ah waxa uu daggan yahay guri ku yaalla magaalada San Francisco oo qiimihiisu aanuu ka badneyn 1.9 milyan oo dollar, halka qiimaha celceliska guryaha goobta uu daggan yahay ku hareeraysan uu gaarayo 3.3 milyan oo dollar.

Warbaahinta qaar waxey tilmaamayaan in uu aad u tashiil badan yahay oo dharka xitaa uu iibsado xilliga ay tukaamadu ay raqiisiyaan qiimaha ee discount ay sameeyaan.

Cook, waxa uu waqti badan ku qaataa safarrada shaqo, sanadkii hore waxa uu safaradda ku bixiyay 93-kun oo dollar diyaarad gaar ah.

Cook waxa uu ku caan yahay dadaalkiisa dhanka shaqada, waqtigiisa inta ugu badan waxa uu ku qaataa gudaha shirkadda Apple, subixii waxa uu hurdada ka soo kacaa 3:45 habeennimo, markaas oo e-maillada shaqo uu ka jawaabo.

Cook waxaa dhalay aabbe nolol caadi ah iska nool oo doomaha sameeya iyo hooyo  pharmacy ka shaqeysa, marar badan waxa uu sheegay inaanuu lacagta daneyn, sidaas oo kale inaanuu dooneyn inuu illaawo halkii uu ka yimid, waxa uu ka hadlaa duruuftii adkeyd ee uu ku soo barbaaray, waxa uu tilmaanaa rabitaankiisa ah inuu hantidiisa tabarucaad u bixin doono marka uu geeriyoodo kadib.

Maandeeq FM