WararkaWaxbarashada

40-sano Kadib Ayey Heshay Dilaagii Walaalkeed.. Caruurtiisa Ayey Ku Qancisay Iney Aabbahood Ku Markhaati Furaan.. Qiso Dhab ah oo Buuggii Laga Qoray Aad Loo Iibsaday

40 sano ayaanuu rajo beel ku dhicin si ay u hesho dilaaga walaalkeed, xilli la xiray faylka dambi baarista dilkiisa, wadadeeda gaarka ah ayey ku raadisay dilaaga walaalkeed kuna soo saartay.

Haweenayda reer Ingiriis ee Penny Farmer ayaa soo saartay buug ay ugu macag dartay “Dead In The Water” oo ay uga sheekaynayso sidii ay ku heshay dilaaga walaalkeed oo 40-sano ay ku raadjoogtay, Facebook ayaa ka garabsiiyay iney hesho dilaaga oo moodayay inuu cadaaladda ka baxsaday.

Penny hadda waa (57 jir), xilliga uu dilku dhacayay waxey ahayd gabar curdin ah oo xilligaa un soo baxaysay, markaa oo walaalkeeda Christopher Farmer oo 25 jir ahaa uu guriga ka tagay si uu u aado safar dalxiis oo dunida daafaheeda kala duwan lagu kala bixinayo isagoo la socday saaxiibkii Peta Frampton.

December, 1977 ayaa Chirstopher uu safray, isagoo Mareykanka ku sugan ayaa warkiisa la waayay illaa bisha June ee sanadkii xigay.

Baaritaanno aan Natiijo Lahayn

Qoyska Chirstopher waxey go’aan sadeen iney dambi baare gaar ah u qabtaan si wiilkooda looga baadigoobo gudaha dalka Mareykanka, markii ay ra’yigooda u badiyeen in wiilkooda la dilay.

January,1979 ayaa Penny iyo qoyskeedu ay heleen war naxdin badan oo ahaa in la helay maydka wiilkooda iyo siixiibkii oo agagaarka Guatemala yaalla, waxaa loo sheegay in jirdil uu jirkooda ka muuqdo markii la dilay kadibna lagu tuuray badda, waa sida uu qoray webisteka “Manchestereveningnews.co.uk”.

Penny waxey si gaar ah u raad raacday milkiilaha doon ay raaceen walaalkeed iyo saaxiibkii markii ugu wardambeysa, waxa uu ahaa badmaax Mareykan ah oo sumcad xumo lagu yaqaanno, arrintaas oo ku dhalisay dareen iyo inuu isagu dilka ka dambeeyo, laakiin wuu inkiray waxaanuu sheegay inaanuu wax lug ah ku lahayn wixii ku dhacay Chirstopher iyo saaxiibkii.

Xubno ka tirsan qunsuliyadda UK ee Mareykanka ayaa dowladda la xiriiray iney baarintaan ku sameyso dhacdanan laakiin Silas Duane oo ahaa naaquudihii doonta ayaa la waayo meel uu jaan iyo cirib dhigay 38 sano ayaa la waysanaa.

Lama Filaan

Sanadkii 2015 ayaa Penny ay go’aansatay iney iyadu si gaar ah u baarto dilka walaalkeed iyadoo ay jirto in faylka dacwadda la xiray maadaama qofkii la tuhunsnaa la waayay, waxey ka baartay Facebook magacyada caruurtiisa kuwaas oo ay ku baratay baaritaanno hore oo la sameeyay, iyadoo aan is lahayn waad helaysaa oo maxkamadda ayey markhaati kaaga noqonayaan.

Lama fulaanku ma aanuu ahayn iney heshay labadii wiil ee aabbohood ayey ku markhaati fureen inuu dambiga isagu geystay iyaguna ay indhahooda ku arkayeen, dambiilihii waa la qabtay xabsi ayaana la dhigay.

Laakiin markii uu bilo xabsiga ku jiray ayuu dhintay kadib markii uu diiday inuu daawooyinka qaato maadama uu kalyo xanuun qabay.

Penny buug ayey ka qortay qisadan, kaas oo ay uga warrantay mudadii ay ku jirtay raadinta dilka walaalkeed oo 40 sano ku qaadatay iney soo saarto dilaaga iyo faahfaahinta sida ay ku nooleyd 40-kaa saanno, buugga ayaa ugu sare maray liiska iibsiga Amazon Isbuucan.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close