WararkaWaxbarashada

Arday Ruush ah oo Markiisii 5aad oo Xiriir ah Ku Guuleystay Programmer-ka Ugu Wanaagsan Adduunka

Gennady Korotkevich oo ah arday u dhashay dalka Ruushka oo wax ka barta jaamacadda “ITMO“, ayaa markii 5aad oo xiriir ah ku guuleystay kaalinta koowaad tartanka caalamiga ah ee Programmer-ka “Google Code Jam”

Gennady oo da’diisu tahay 23 jir, ayaa waxa uu ka mid yahay programmer fara ku tiriska ah oo ugu guulo badan Adduunka, natiijada tartankan ayaa lagu soo bandhigay Toronto Kanada, waxa uu ka keenay 104 dhibcood, isagoo ka sare maray tartamayaashii ugu soo dhawaa oo u kala dhashay Poland iyo Japan, abaalmarinta kaalinta koowaad qofka galaa waxa uu helayaa 15,000 oo dollar.

Gennady waxa uu sheegay in markii hore tartanka lagu geli jiray computerro leh labada nidaam ee Windows iyo Linux, laakiin hadda la ogolayahay oo qura nidaamka Linux.

Korotkevich waxa uu tilmaamay: “Tartamadan oo kale, inta badan faahfaahin kastaa waa muhiim tahay, iyadoo dadka guuleystayaasha ah ilbiriqsiga ugu dambeeya la ogaan karo, waxaa muhiim ah inaan waqti badan lagu qaadan arrimaha farsamada, waa in xoogga la saaro aasaasiyaadka”, ayuu yiri Gennady oo ku guuleystay programmer-ka ugu wanaagsan Adduunka.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close