Gabar uu Wejigu Ka Bedelmay oo Mar Kale Nolosheedii Dib u Heshay Kadib Markii Weji Cusub Lagu Beeray

Waxey ku dhaqaaday isku day dil ay nafteeda ku goynayso Katie Stubblefield wuuse ka fashilmay, waxey ku wayday wajigeedii quruxda badnaa, laakiin hadda waxey sheegaysaa iney marka kale soo noolaatay kadib markii weji cusub lagu beeray.

Katie ayaa waxey ka soo muuqatay jaldiga sare ee cadadkii bisha ee joornaalka National Geographic, iyadoo cinwaan looga dhigay “Sheeko Weji khusaysa”, filim documentary ah loo laga diyaariyay  “Wejiga Katie ee cusub”.

Gabadhan dhalinyarada ah oo da’deedu ay hadda tahay 21 jir, ayaa noqotay qofkii ugu da’da yaraa dalka Mareykanka ee lagu sameeyo qalliin wejiga lagaga bedelayo. Saddex sanno ayaa laga joogaa markii ay isku dayday iney is disho, iyadoo masqul ku jirtay guri uu walaalkeed lahaa oo ku yaalla Mississippi ayey xabbad wejiga iskaga dhufatay.

Qalliinka ayaa loogu sameeyay isbitaalka caanka ah ee Cleveland Hospital ee gudaha dalka Mareykanka, waxa uu qaadatay 31 saacadood oo xiriir ah, si qurxudeedii dib mar kale ay u hesho.

Stubblefield ayaa sheegtay in iskudayday iney is-disho kadib markii ay waajahday dhibaatooyin dhowr ah oo dhanka dareenka khuseeya ah, iyadoo tilmaantay in dhacdhacdaasi ay ahayd March 25, 2014, xilligaas  oo ay 18-jir ahayd.

Katie waxey weji ka heshay hawenay 31 jir ah oo ku tabarucday wejigeeda inta aaney dhiman ka hor oo la oran jiray “Adrea Schneider” taas oo u dhimatay mukhaadaraad ay iska badisay darteed.

Si kastaba, 40 qof oo kaliya ayaa Adduunka oo dhan lagu sameeyay qalliinka wejiga lagaga bedelayo, iyadoo qalliinkii ugu horreeyay ee guulaysta ay sameeyeen dhakhaatiir Spanish ah sanadkii 2010.

Maandeeq FM