Naadi Kubadda Cagta Ciyaara oo 18 Laacib Ku Bedeshay 10 Neef oo Ari ah!

© RIA Novosti . Dmitry Vinogradov

Telefishinka “CNN” Turkiga  ayaa sheegay in naadiga Kubadda Cagta “Gülspor” oo ka ciyaara horyaallada kaalmaha ee hoose ee dalka Turkiga ayaa iibiyay 18 ka mid ah laacibiintiisa da’yarta ah, si uu ugu iibsado 10 neef oo ari ah.

Telefishinku waxa uu tilmaamay in heshiiska uu naadiga ka helay 15-kun oo lira-ha Turkiga ah oo ah lacag u dhiganta 2,200 oo euros, lacagtaas ayaa naadigu ku soo iibsaday 10 neef oo ari ah, si uu lacag uga sameeyo iibinta caanahooda.

Naadiga ayaa hadda u baahan 5-kun oo Lira, waa lacag u dhiganta 728-euro, si loo haqabtiro  baahiyaha kala duwan ee naadiga.

Maandeeq FM