arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qiimeynta Fannaanka Sanadka oo Rubuc Qarni Kadib Ka Qabsoontay Gudaha Magaalada Muqdisho

 

Kulan ay yeesheen golaha abwaannada Soomaaliyeed oo lagu qiimaynayay heesaha fannaaniinta da’da yar ee Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kulanka ayaa looga dhawaaqay fannaaniinta da’da yar ee sanadka 2018.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, xubno ka tirsan golaha abwaannada Soomaaliyeed, qaar ka mid ah fannaaniinta, music yahanno, khubaro dhanka fanka ku xeeldheer, marti sharaf kala gaddisan ayaa ka dhacay xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Yuusuf Mu’min ‘Subxaanyo’ oo ka mid ah music yahannada ugu caansan dalka ayaa ka hadlay in doorashooda ay si gaar ah u eegeen akhlaaqda fannaanka xilliga uu masraxa joogo : “Youtube-ka iyadoo lugteedu qaawantahay aan lagu arag oo iyadoo asturan gabadhii ay imaaneyso masraxa waxaan qiimeysaneyno waa intaas.”

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay abwaannada  gartay iney dhiirrigeliyaan fanka akhlaaqda leh ee Soomaaliyeed iney ku soo dhaweeyaan masraxa fanka, waxaan hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu mahadceliyo abwannadii ay maskaxdooda ka soo maaxatay in dhalniyaro ku soo biiray bahda fanka ay maamuusaan, kuna maamuusaan calaamado wanaag ah oo ay muujiyeen, intii ay ku jireen xirfadda fanka.”

Si kastaba, Qiimeyntii la sameeyay fannaaniina sanadka waxaa loo aqoonsaday Khadar Keeyow iyo Sacdiyo Siman oo noqday fannaaniinta sanadka Soomaaliya 2018.

Ugu dambeyn, Tani waa markii ugu horreysay muddo rubuc Qarni ka badan oo fannaaniin da’yar ah lagu dhiirrigeliyo gudaha Muqdisho iyadoo la tixgelinayo akhlaaqdooda iyo asturnaantooda marka ay masraxa saran yihiin.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close