Suudaan.. 22 Arday iyo Macallimad Ku Qariqmay Webiga Niil

Xukuumadda Suudaan ayaa ku dhawaaqday Arbacadii in 23 qof oo ay ku jiraan 22 arday ay ku geeriyoodeen webiga Niil ee waqooyiga Khartoum.

Wakaaladda wararka dalka Suudaan ayaa sheegtay in ardayda ay ku sii jeedeen iskuulkooda oo ku yaallay webiga dhiniciisa kale “Subaxa manta ah waxaa geeriyooday gobolka webiga Niil 22 arday iyo haweenay, kadib markii ay ku maashoodeen webiga iyagoo markaa ku sii jeeda iskuulkooda.”

Wakaaladda wararka ee Suudaan ayaa intaa sii raacisay in shilku uu dhacay kadib markii uu istaagay matoorka doonta, waxaa si xoog ah ugu dhuftay hirarka webiga oo dhinac walba uga yimid, waxaana dusheeda saarnaa 40 caruur ah.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxey 750 KM ka fog tahay waqooyiga Khartoum, xilliga roobabka ayaa webiga uu biyo badan ka keenaa gudaha dalka Itoobiya, halkaas oo faraciisa weyn uu ka soo rogmado. inta u dhaxeysa June ilaa September ayaa dadku ay isticmaalaan doomo looxaan ka sameysan si ay daafaha kala duwan ee webiga uga kala tallaabaan.

Shilka kadib ayaa war ka soo baxay xukuumadda Khartoum lagu sheegay in iskuullaadka la xiray illaa uu ka dhammaanayo fasaxa Ciidul Adxaa oo ku eeg August 25.

Maandeeq FM