Xajka Aan Ogolaanshiyaha Loo Haysan oo Xaaraan Ah!(Fatwo Cusub)

Xajka aan ogolaanshiyaha loo haysan waxa uu dhibaato ku yahay Xujeyda ogolaanshiyaha u soo qaatay, waxaa dhacaysa in tirada dadka ay kororto si aan loogu talogalay, sidaa darteed; hay’adda Kibaar al-Culamaa oo “fatwo” cusub soo saartay  ayaa sheegtay in xajka aan ogolaanshiyaha loo haysan uu xaaraan yahay.

Khamiistii August 16, 2018, ayaa fatwo ka soo baxday Hay’adda Kibaar al-Culamaa oo uu soo jeediyay muftiga guud ee Sucuudiga, madaxa hay’adda Kibaar al-Culamaa ahna guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee fatwada, Al-Sheekh Cabdulcasiis binu Cabdullaahi Aal Al-Sheekh, ayaa lagu sheegay in la hareermaro habka ay dowladdu ugu talagashay Xajka uu xaaraan yahay, waxaana ku jira xajka aan ogolaanshiyaha loo haysan, ma bannaana in goobaha lagu cibaadayso ay galaan dad aan ogolaanshiyo u haysan.

Fatwadan ayaa lagu daabacay bayjka twitter ee hay’adda oo lagu yiri: “Qofka aan xajka awoodin 10 cisho ee Dil-Xijja ayuu ka helayaa kheyraad badan, taas oo qofka Muslimka ah loo baahan yahay inuu ka faa’iidaysto oo Illaahay uu ugu dhwaado cibaadooyinka kala duwan.”

Maandeeq FM