Carwada Buugaagta “Mogadishu Book Fair” oo Si Guul Leh Ku Soo Dhammaatay

Cawrada Buugaagta ee Mogadishu Book Fair ayaa la soo gabagabeeyay maallinmadii shalay oo ay u ahayd maalintii ugu dambeysay, iyadoo la tilmaamayo in carwadu ay sanadkan si guul leh u qabsoontay.

Waxyaabihii shalay laga hadlay waxaa ka mid ahaa buugaagta sida “Tahriibtaye Danti Aad Leed Ma Gaadhay”, “Hillinka Toosan”, ‘U hiili Naafada’, “Hooyo Waa Lama Huraan”, “Qaran Dumis”, waxa kale oo meesha lagu soo bandhigay filim dhaqanka ka tarjumaya.

Waxyaabaha xiisalaha lahaa waxaa ka mid ahaa: buug ka hadlaya cunto kariska, Haldoorka Nolosha iyo buugaag kale oo ay qoreen dhalinyaro aad u yar oo ka soo qeyb-galyaasha ay ka heleen.

Mogadishu Book Fair marti sharafka tagtay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ku-xigeenkiisa 1aad Abshir Maxamed Axmed iyo ku-xigeenka 2aad Mowlid Guhaad, dhiiri-gelinta ka sokow waxaa Xaashi halkaasi geeyay “Haybso Dhaqankaaga”.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Aqalka Sare oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa si weyn ugu ammaanay Carwada, waxa uu tilmaamay in uu kula kulmay wejiyo ifaya oo leh han sare iyo himilo dheer:

“Farxad ayey maanta ii ahayd in aan booqday #MbF2018 halkaas oo aan kula kulmay wajiyo aad u faraxsan oo ahaa dhallinyaro leh han sare iyo himilo dheer. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa @ahmedvision1 oo kaalin fiican ka qaatay taabogelinta Maktabada Cadaado Guuleysta”.

 

Carwadan oo 3 maalin socotay ayaa ku guuleysatay inay soo jiidato dhalinyaro farabadan oo  jecel akhriska iyo qoraalka.

Intii ay carwadu socotay waxaa marti ku noqday qoraayaal caan ah sida: Cabdi Latif Ega oo qoraaga Guban,  Axmed Yusuf, waxaa kale oo ku jiray Professor Mareykan ah ee Paul. D Williams kaas oo qoray ‘Fighting for Peace in Somalia..oo howl-galka AMISOM 2007-2017.

Dadka kale, waxaa ka mid ahaa Dr. Cali  Abubakar, oo guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Fardousa Jama oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo qoraayaal kale.

Waxaa xusid mudan iney buugaag iibsashada qeyb ka ahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya sida Ra’isul-wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, duqa Muqdihso ahna guddoomiyaha gobolka Cabdiraxmaan Yariisow oo iyagu carwada daahfuray, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad, xildhibaanno labada aqal iyo mas’uuliyiin kale.

Sanadkan waxaa carwada buugaagta ku cusbaa in buugaag loogu deeqay maktabadaha buugaagta ee Maktabadda Guud Ee Cadaado iyo Maktadda Garbahaarrey.

Carwadan waxaa soo qabanqaabiyay New Horizon, qoraal ay soo saareen waxaa lagu sheegay in halheyska sanadkan uu ahaa “Literature and Expression in Education” oo ah in suugaanta lagu cabirro waxbarashada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa soo xiray carwada bandhiga buugaagta Mogadishu Book Fair waxa uu ammaan iyo bogaadin u soo jeediyay dhammaan dadkii halkaasi ku soo bandhigay buugaagtii ay qoreen oo u badnaan dhalinyaro.

Maandeeq FM