WararkaWaxbarashada

Dowladda Qatar oo Dib-u-dhis Ku Sameynaysa Mac’hadkii Diblumaasiyadda ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay mac’hadka arrimaha diblomaasiyadda Soomaaliya oo dib u dhis lagu sameynayo.

Mac’hadkan ayaa ka mid ah hay’adihii dowliga ahaa ee mudada dheer burbursanaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo dhagax dhiggii mac’hadka hadal ka jeediyay ayaa u mahadceliyay dowladda Qadar gacanta ay ka geysaneyso mashaariicda dib u dhiska dalka:

“Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qatar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan, safiirka Qatar ee Soomaaliya  wakaalkeen safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu dowr ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qatar, waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wadajir ah u  dhagax dhigno” Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Dhanka kale, Safiirka Qatar oo isna hadal kooban jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay iney garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda ay kaalintooda ka qaataan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close