Fikrad Hal-abuur leh oo “Deero” Duulan Ah Loogaga Eryayo Magaalo Holland ah

Magaalo ka tirsan dalka Holland ayaa go’aansatay in ay isticmaasho urta saxarada libaaxa si magaalada looga fogeeyo deero gudaha u soo gashay xaafadaha kala duwan oo dadka cabdi gelisa.

Deero aad u tiro badan ayaa deggan buuraha Zandvoort, kuwaas oo weerar ku soo qaada waddooyinka magaalada iyo beerahooda, taas oo walaac ku abuurtay dadweynaha.

Shirkadda tareennada ee Dutch-ka ayaa soo hindistay in la isticmaalo urta saxarada Liibaaxa oo deeradu ay aad uga baqato, si goobaha dadweynaha looga fogeeyo.

Patrick oo ku hadlay magaca shirkadda ayaa sheegay in urta saxarada libaaxa ay deerada ka fogeyn karto goobaha iyo deegaannada dadweynaha.

Shirkaddu waxey sameysay maaddo urteedu ay shabbahdo saxarada libaaxa oo loo adeegsaday 17 nooc oo dhir kala duwan ah. Waana qalab lagu rakibay tiirarka heeraha magaalada kuwaas oo urtaas sii daynaya marka ay deeradu u soo dhawaato.

Maandeeq FM