WararkaWaxbarashada

Jawaabta Cilmiga ee Su’aasha: “Ragga iyo Dumarka Yaa Caqli Badan?” (Cilmi-baaris Cusub)

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Washington ayaa caddeeyay in raggu ay si ka dhakhsiyo badan dumarka u fakaraan, go’aannada wanaagsanna u gaaraan, cadaadiska tirada badan ay xamili karaan si ku badan dumarka.

Sida ay qortay jariidada “Cell“, cilmi-baarayaashu waxey sameeyeen tijaabo gaar ah oo ay ku eegayeen falcelinta xogaha hoose ee sawiirro si gaar ah loo soo xulay, iyadoo ay jirtay in si isku mid ah ragga iyo dumarka loo imtixaanay, ayaa hadana cilmi-baarayaashu ay sheegeen iney raggu dumarka kaga fiicnaadeen go’aan qaadashada saxda ah ee maangalka ah.

Sida khubaradani ay sheegayaan maskaxda dumarku waxey u shaqeysaa si ka gaabis badan ragga jawaabaha su’aalaha ku aaddan xakameynta caqiliga, arrintaas oo keenaysa inaaney horumar wanaagsan ka sameyn kobcinta awoodaha aqooneed ee dumarka si ka badan ragga.

Iyadoo arrintaasi ay jirto ayaa hadana la tilmaamayaa in falcelina degdegga ah ee macluumaadka data-da ah ee maskaxda laga sameeyo ay aad ugu wanaagsanaa ragga dhibaato ka haysato koritaanka caqligooda kuwaas ayaana ragga caafimaadka qaba kaga sii wanaagsan fahamka iyo jawaabcelinta degdegga ah!.

Khubaradan ayaa aaminsan in howlqabadka maskaxda ragga noocaas ah ay la socoto habsami la’aan ka jirta nimaadka neerfayaashooda ah, arrintaas oo dhankeeda keenaysa iney si degdeg ah falcelin uga sameeyaan macluumaadkana ay si heer sare ah u fahmaan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close