arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Yaa Dejiyay Xeerarka Kubadda Cagta Markii Ugu Horreysay?

Shirkadda Google ayaa astaan cusub u sameysay qofkii ugu horreeyay ee dejiya xeerarka Kubadda Cagta oo la oranjiya “Ebenezer Cobb Morley“, kaas oo dhashay muddo hadda laga joogo 187sano, waxaana uu noolaa intii u dhaxeysay 1831 ilaa 1924.

Qareenkan Morley waxa uu ku dhashay magaalada Hull ee cariga dalka Ingiriiska, waxa uu uga guuray Barnes oo gudaha London ku taalla sanadkii 1858, markaas oo uu jiray 27 sano.

Morley oo uu dhalay wasiirkii Sports-ka ee xilligaas waxa uu ku wanaagsanaa doomo kaxaynta webiga Thames, waxaana ka qeybgalay tartan doomaha ah oo sanadkii 1864 qabsoomay. Laakiin dhaxalka uu ka tagay waxa uu ahaan inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee warqad ku qora xeerarka Kubadda Cagta ee manta adduunka laga ciyaaro.

Morley ka hor Kubadda Cagta waxey ahayd fowdo, may lahayn tartamo nidaamsan, aadbaa la iskugu khilaafsanaa, arrintaas oo ka dhigtay in daawashada Kubadda Cagta ay noqoto mid welwel badan laga muujiyo.

Isagoo hoggaaminaya naadiga Barnes ee Kubadda Cagta ayaa waxa uu qareenkani uu is tusay in loo baahan yahay xeerar lagu dhaqmo oo dadka kala xakameysa, isagoo xilligaa tallaabooyinka uu damacsan yahay ku qoray jariidaad Sports-ka ee “Bell’s Life of London“. Sidaas oo kale waxa uu la xiriiray iskuullaadka ugu sarreeyay ee kuwa dowladda si uu taageero u helo, laakiin arrintaa waa lagu gacan sayray.

Isagoo aan ka lababayn ayuu Morley ku dhawaaqay shir “Freemason’s Tavern” oo uu ku qabtay Holborn, October 26, sanadkii 1863, waxa uu ahaa shir taariikhi ah oo ay ka qeybgaleen wakiillo ay soo dirsadeen kooxihii Kubadda Cagta waagaa ugu tunka weynaa.

Intaa kadib, waxaa sameysmay xiriirka Kubadda Cagta ee (FA), oo Morley uu ka noqday xoghaye, markii dambeyna guddoomiye loo doortay.

Xeerarkii qabyo qoraalka ahaa ee ugu horreeyay waxa ay ka koobanaayeen 23 qaanuun iyadoo xeerarkii kama dambeysta ahaa ee la isku raacay la faafiyay 1863 iyadoo cinwaan looga dhigay “Xeerarka ciyaarta”.

Xeerarkan waxaa laga dhaqangeliyay dhammaan daahafaha kala duwan ee London, kadib UK oo dhan laga qaatay, kadibna laga dhaqangeliyay daafaha kala duwan ee Dunida.

Xeerarkaa waxaa ka mid ahaa:

1– In dhirirka garoonku uu noqdo 183.88 mitir, balaciisuna 91.44 mitir, iyadoo calamo lagu xadeynayo.

2– Qori- tuur ayaa lagu kala marayaa goolasha iyadoo qofkii qori-tuurka ku guuleystaa uu marayo kolba goolka uu rabo.

3– Laacibna lagama ogola inuu Kubadda gacmihiisa ku qaato.

4– Laacibna gacmihiisa kuma riixi karo laacibka kooxda kale ee ka soo horjeedda.

5– Laacibna looma ogola inuu Kubadda gacantiisa ku qaado, duruuf kasta oo jirta.

6– Lacibna looma ogola inuu masaamiir soo gashado kabihiisa ama ciribta kabta uu wato.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close