2 Milyan oo Qof oo Saaka u Dareeray Gudashada Waajibaadka Xajka.. Internet-ka oo Bilaash Looga Dhigay

Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhaawaaqday Khamiistii August 16, 2018 in ka badan 1.6 Milyan oo Xaaji ay gaareen Sucuudiga, si ay u gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan 2018.

Wakaaladda wararka ee Sucuudiga oo soo xiganeysa maamulaha guud ee waaxda socdaalka Sucuudiga Salmaan binu Cabdul Casiis Al-Yaxyaa ayaa sheegtay in “1,684,629 Xaaji” ay soo gaareen dalka Sucuudiga oo ay ka soo galeen dhammaan waddooyinka safarka ee kala duwan ee barri iyo bad iyo jawi intaba ka soo galeen, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Xujeydii dibadda ka imaanaysay ay soo dhammeystirmeen khamiistii Augus 16, 2018.

Hadaba, Xujeyda ayaa maanta oo Axad ah August 19, 2018, Siddeedda Dil Xijja bilaabaya gudashada waajibaadka Xajka.

Xaaji kasta waxa uu helayaa oo loo ballanqaaday 1 GB oo Internet bilaash ah waana sida ay amreen Boqorka Sucuudaga Salmaan iyo Dhaxal sugahiisa koowaad Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararak ee Faransiiska Xajka ayaa sanadkan imaanaya iyadoo isbedello waaweyn ay ka dhaceen gudaha dalka Sucuudiga oo ay ka mid yihiin in dumarka loo ogolaaday iney gawaadhida kaxeeyaan, halka dadka Xujeyda ahna loo ballanqaaday iney heli doonaan Xaj Smarts ah oo lagu taageerayo Apps electronic ah oo u sahlaya gudashada waajibaadka Xajka.

Maandeeq FM