Daawo…Wasiir Isbitaalka Ku Aadaysa Baaskiilad Si Ay Halkaa Ugu Dhasho

Wasiir ka tirsan xukuumadda New Zealand ayaa ku khasbanaatay iney baaskiilad ku aaddo isbitaal, si ay halkaa ugu dhasho, iyadoo aan garab weydiisan ilaaladeedii gaarka ahayd.

Sida ay qortay shabakadda ABC ee dalka Mareykanka laga leeyahay, wasiirka haweenka New Zealand  oo la yiraahdo “Julie Anne” ayaa sheegtay in  isbitaalka Auckland City ay ku aadday baaskiilad si ay halkaa ugu dhasho.

Sababta ay baasiiladda u qaadatay ayay ku sheegtay iney weyday waddo ay marto oo uu ahaa mid jaam ah oo gabaadhi ay isku xirtay.

Sawirkeeda ayey soo dhigtay barta Instagram-ka, iyadoo dhacdadani ay aad u qabsatay canaawiinta jaraa’idka kala duwan ee daafaha dunida ka soo baxa.

Julie Anne oo isbuuceedii 42 uurkeedu yahay ayaa sawirka ku soo hoos qortay: “Waa subaxa Axadda ah oo qurux badan waxaan isbitaalka ku aaday baaskiilad, anigoo rajeynaya inaan canugayga dhalo.”

Wasiirkan ayaa dadkii qoraalkeeda ka falceliyay ay aad ugu ammaaneen sida ay sameysay, qaar kood waxey ku tilmaameen iney tahay haweenay ku dayasho mudan.

Waxaa xusid mudan in labo jeer oo hore ay ilmo dhicisay, waa sida ay horey ula wadaagtay saxaafadda.

Waxaa la filayaa iney hesho fasax 3 bilood ah, si markaa kadib ay shaqadeeda dib ugu soo laabato November-ta soo aaddan.

Maandeeq FM